Boqortooyadii Muslimiinta Ka Talin Jirtay Hindiya Iyo XukunkiiIslaamiyiinta Ee Mangooliyiintu Hindia Ka Sameeyeen

0
Sunday April 17, 2022 - 11:02:27 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqortooyadii Muslimiinta Ka Talin Jirtay Hindiya Iyo XukunkiiIslaamiyiinta Ee Mangooliyiintu Hindia Ka Sameeyeen

    W/Q: Hamse Riiraash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Hamse Riiraash

In u jirta qiyaastii tobanaan kun oo kiilo mitir ee magaalada maka al’mukarama ayay muslimiintu garteen dhabada Marin xuduudka loo maro ganacsiga  aada ilaa qaarad la moodka hindia.

 

 Kuwaa oo gayn jiray badeecadaha ay ka midyihiin cadarada bukhuurka iyo wixii la mida si  ganacsayadooda  ugu geeyaan dadyowga hinidia.

 

 Sidoo kale waxa ay muslimiintu Ay sideen  baris aqooneed heerkeedu sarreeyo oo ku saabsanaa islaamka iyo amuuraha dacawadisa nabigeena naxariis iyo nabad galiyo korkiisa ha ahaatee si ay ugu sharaxaan diintii balaadhnayd dadyowgii ku dhaqnaa hindia.

 

Waxay isku dayeen oo ay bilaabeen furashada dhulkaas ilaa iyo xiligii ku sinayd khaliifadii labaad ee cumar ibnu khadaab lakiin isku dayadaas ma guulaysan ilaa laga soo gaadhayay cahdigii khaliifadii umawiyiinta ee uu gadhwadaynka ka ahaa waliid cabdi malik.

 

Dabadeedna  waxa laga taagay goobtaa saldanadii dhulka delhi iyadoo ahayd imraadooriyadii ugu horreysay ee islaamiga  ahayd taas oo si balaadhana ugu fiday qaarad la moodka hindiya .

 

waxa xukunkii lawareegay qoysas ay kamid ahaayeen maamilktii,sulaaladii jalkhii ee afghan ka talinasay, duqliqiyiintii,iyo sulaaladii sayidka ladhihi jiray iyo sulaaladii ludhii ee afghanka ahayd.

 

imbaratooyadii ugu muhiimsanayd uguna weyneyd ee abid taariikhda hindiya soo Marta waxa la odhan jiray imbaradooriya magoolka ee hindiya kaasi oo uu aasasay dahiirul diin baabuur,xukunkeeduna socday saddex boqol  sanadood. lakiin su’aasha meesha taal waxa ay tahay miyay ahaayeen mangooliyiintii  muslimiinta ee boqortooyada islaamka ee balaadhnayd ka sameeyay qaarada hindia? isla mangooliyiintii qabsaday ciraaq ee riday baqdaad kuwaas oo ahaa isla tataarkii dhibta gaystay kuwaas oo cagta mariyay muslimkii oo dhan marka laga reebo dagaalkii caynul jaaluut? Haa waa isla iyaga uun.

 

kani waa jankiis khankii isku soo ururin jiray  umadihii magolka turkiga iyo qayrkood una qori jiray wakhtiyadaas qaanuuno markii danbana aasaasi jiray boqortooyadii baaxadeedu weynayd ee kusoo libin laabmaysay xataa boqortoyadii room .

 

waxa la rumayaysanyahay in qofkii ugu horeeyay ee kamida ahaa caruurtii jankis khan ee islaamay uu ahaa ninkii la odhan jiray Baraja binu bajuuji khan,dabadeedna waxa yimid dahiiru diin khan isagoona ahaa tafiirtii jankis khan ahaana midkii  aabihii ka dhaxlay boqortooyadii yarayd ee afghanistan ka talinasay,deedna xaga iyo hindiya u fidin jiray ilaa uu ka taagay imbaraadooyadii la odhan jiray imbaradooyadii balaadhnayd ee magooliska ee islaamkee hindia taas oo ku faaftay ama gaadhay dhamaan hindia lana timid xadaarad layaable lahayd ee isugu  jirtay beeraha iyo ilbaxnimooyinka korna u qaaday awoodii ciidanka keentayna xadaarad qotada dheerayd taa oo ahayd xadaaradihii waaweyn oo u dhisnaa sida cajiibka ah.

 

dahiir baabur khan wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee aas aasay hindia boqortooyadii la odhan jiray boqortooyadii magol hindia ee dhamaan qabatay jiho kastoo ku taal hindiya xukunkeediina gaadhsiisnayd qaarad la moodka hindia oo dhan kaasi oo uu xukumaayay ilaa ajashu u imanaysay.

 

Isna waxa jiray jalaladul mohamed akbar kaasi oo ahaa boqorkii isku fidinayaay dhamaan hindia oo raadaynaayay shucuubta hindia oo dhan isaga oo isku waday dadyowga hindia oo dhan una furay doodo iyo aqoono badan.

 

deedna boqorkii shah-jihaan la odhan jiraaa ku xigay kaas oo sameeyay nashqanayntii iyo dhismaha micmaaradee cajiibka ahaa ee abid,kaas oo dhisay masaajidka jaamica ee dalhi iyo dhismihii cajiibka badan ee ilaa hadda dunida wax labmida jirin kana mida todobada mucjisee aduunka ee la yidhaahdo taaajmahal isaga oo u dhisay zawjadiisii mumtaz maxal.

 

Boqortooyadaas oo ahayd boqrtooyo cajiiba ahayd ayaa mudo qarniyaal badan katalinaysay hindia ilaa raadadkeedii iyo xadaaradeedii cajiibka ahayd ilaa al aankan wali sii muuqdaan. Guud ahaan hindia.

 

Intay islaamku ka talinayeen hindia waxay ahayd mudo sideed qarni ah.



Hamse Riiraash 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...