Suxufiyiinta Dawlada Somaliland Xidhxidhay Iyo Aragtideyda

0
Sunday April 17, 2022 - 10:52:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suxufiyiinta Dawlada Somaliland Xidhxidhay Iyo Aragtideyda

    W/Q: M J Farah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: M J Farah

Ugu horeyn masuuliyiinta xukumada Somaliland waxaan ka codsanayaa shaqsiyan in suxufiyyintan xoriyadooda loo soo celiyo arintoodana si waafaqsan shuruucda dalka lagu dhaqo sida aan qabo suxufiyiintan intooda badani waa dhalinyaro la kowsadey technology ga casriga ah, waana dhaliyaro aan waayo aragnimo balaadhan u lahayn national security breaches(xadgudubyada amniga qaranka) ka lagana yaabo iney  wadan jaceyl iyo xamaasad ka ahayd qaarka mida tabintii arinta jeelka hargeysa inkasta oo dhinaca keley laga yaabo in qaarkood si qaldan uga hadleen ama gacmo kaleba ku jiraan arimahan,hadana waxaan qabaa in dhalinyaradan suxufiyiinta ah,xabsiga laga siidaayo taas badalkeedana loo furo tabaro ku saabsan saaxafada abnigaga,iyo waxyaabaha looga baahan yahay suxufiga ee la xidhiidha shaqadiisa suxufinimo,shuruucda saxaafada,dhaqanka suxufiga.

 

Xogaha la fidin karo iyo kuwo aan la ogoleen ee taabanaya national security ga Somaliland.

 

Sidaa darteed dawladu laftigeedu waa iney dhaliilaha ay lee dahay ee ku saabsan arimahan oo kale iyo siyada looga hortago marka horeba ku talo gashaa aaney kor u qaadaa wacyiga iyo waxbarida hayaha abniga ee la xidhiidha arimaha taabanaya abniga qaranka iwm.

 

Ugu dambeyntii waxaan codsanayaa in arintan lagu soo gabagabeeyo in xoriyadooda loo soo celiyo suxufiyiintan ka dibna dhibaatooyinkan soo noqnodey hayadaha saxaafada ee qaranku xalka gaadhaan dhamaan qaabka loo wajahayo dhacdooyinka noocan oo kale ah ee taabanaya abniga qaranka,iyo xasiloonida umada somaliland

Waad mahadsantihiin dhamaantiin

M J Farah

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...