Caqliga Aadmiga

0
Sunday April 17, 2022 - 10:48:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 914
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caqliga Aadmiga

    W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

caqligu waa mid kamid ah   awooda jidhka Ee eebe weyne siiyey Aadmiga, caqligu waa xubinka uu qofku wax ku kala saaro.



muhiimada ka dambaysa ee eebe weyne inoo siiyey caqliga waa in aynu ku fikirno dhamaan arimaha nolosheena ku saabsan, sidoo kale caqligu waa keyd galiyaha dhamaan kasmooyinka ama culuumta dunida taala.

 

Quraanka kariimka ah 13 jeer ayey kusoo aroortay isagoo eebe weyne bulshada ku canaananaya inay caqli yeeshaan افلا تعقلون Amaba ay si fiican caqliga ugu shaqaysiiyaan.

 

marar kale ayaa ilaahay si dhugmo leh ula hadlaa aadmiga uu abuuray isagoo ku ku dhiirigalinaya inay fikiraan oo caqli yeeshaan افلا تتفكرون .

 

markale wuxu eebe weyne Aadmiga kula dardaarmay inay diinta eebe mid ku ahaadaan sidoo kale ay u istaagaan weynaynta ilaahay keli keli ama iyagoo laba labo ah intaa kadib ayaa ilaahay xusay inay muhiim tahay inay aadmigu fikiraanقل انما اعظكم بوحده ان تقومو  لله .

مثني وفرادى ثم تتفكرو ا.

 

-Gorayadu ilmaheeda

-Aroori bay dhigtaayoo

-Aboodigu ku laayaa

-shimbirtuna aroosbay

-ilxidh loo amaana bay

-ubadkeeda seexisaa

-kala awdan labaduye

-Edebtiyo Aqoontiyo

-Asluubtay isku dhaafeen.

 

-caqligii wanaagsani

-itaal inu ka roon yahay

-bal eegoo u fiirsada.

 

Tanna waa midkamid ah heesaha ay ku luuqayso Fanaanada hibo maxamed (Hibo nuura) Waxay si dhaba inoo dareensiinaysaa qiimaha caqliga wanaagsan iyo sida uu uga duwan yahay caqliga aan fiicnayn.

 

 

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...