Lacagta Dollar-Ka Ah Maxaa Bedeli Doona Dunida?

0
Sunday April 17, 2022 - 10:42:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lacagta Dollar-Ka Ah Maxaa Bedeli Doona Dunida?

    W/Q: Cali Maxamed Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Maxamed Biixi

WAX KASTA OO QIIMO LEH OO AYNU HAYSANO , WAXA LAGU QIIMEEYAA AMA LAGU QIYAASAA DOLLAR?



HADABA LAGACTA DOLLAR-KA AH


MAXAA LAGU QIIMEEYAA AMA LAGU QIYAASAA AMA LAGU MIISAAMAA?


GOORMA AYUU DOLLAR-KU DUNIDA QABSADAY IYO GANACSIGIISU?


SIDEEBUU DOLLAR-KU KU NOQDAY LACAGTA WAX LAGU KALA IIBSADOCAALAMKA?


MUSTAQBALKA DOLLAR-KU SIDUU YAHAY ?

 

Ganacsiga dunida waxa uu soo maray taariikho badan oo kala duwan iyo sidii uu caalamku wax u kala iibsan jiray .


Dunida berigii hore waxaa wax lagu kala iibsan jiray lacag qadaadiic ah oo Dahab ka sameysan .

Hadaba Dollar-ku dhaqaalihii dunida waxa uu la wareegay shirkii iyo heshiiskii ka dhacay dalka Maraykanka 1944-kii , magaalada Britain Woods , xili uu dagaalkii dunida ee 2-aad soo dhamaanaayo. oo ay dalalkii iyo quwadihii dunida isku baa ba,een oo ay burbureen  ,laakiin dalka Maraykanka burburkaasu muu gaadhin oo dhaqaalihiisii iyo ciidankiisii iyo siyaasadiisiiba dunida way qabsatay oo wuu kala wareegay quwadihii jiray dunida ( Britain iyo France iyo Germany) .

 

Dagaalkii 2-aad kadib waxa uu noqday Dollar-ku lacagta caalamku wax ku kala iibsado .Dalkastaana waxa uu ku qasbanaa in uu Dahab geeyo dalka Maraykanka oo oo lacag Dollah ah ku soo bedesho , kadibna uu caalamka wax kaga soo iibsado. dal kastaaba inta uu Dahab haytso ,ayuu lacag Dollar ah ku soo bedelanayaa.

Laakiin waxa dhacday 1965-kii kadib in uu dalka Maraykanka iska daabacday lacag Dollar ah oo fara badan ,isaga oo aan Dahab ku bedelan .

 

arintaasu waxay keentay in dawladaha caalamka ay ka shakiyaan oo aay ka aamin baxaan Dollar-kii oo uu qiimihiisii hoos u dhacay .

 

Arintaasna (dagaalkaasu) inwaxay ku keliftay in  dalka Maraykanku iska daabacdo lacag badan oo Dollar ah , dagaalkii Vietnam ee uu Maraykanku ku khasaaray ,ee mudada dheer socday .

 

1971-kii ayaa madaxweynihii Maraykanka Nixson ku dhawaaqay oo iclaamiyay in la kala furay xidhiidhkii iyo qiimihii Dahabka .

 

1973-dii waxa dhacay dagaalkii carabta iyo Israel ee ay dalalkii carbeed ee Petrol-ka dunida soo saari jiray ay ka joojiyeen dalalkii reer galbeedka ahaa ee Israel taageeray dagaalka ,  Arintaas oo shidaalkii caalamka sicirkiisii cirkaa maray , oo caalamka ka abuurtay dhibaato shidaal oo weyn.

 

1974-kii shirkii iyo heshiiskii lagu galay dalka Jamaica ayaa waxa lagu heshiiyay in dal kasta iyo cid kasta oo Petrol ama Gas iibsnaysa ay ku bixiso lacagta Dollar . oo lacag kasta ama Dahab kasta oo aas haysato , marka hore ay Dollar ku soo iibsadaan oo aad ku bixiso Dollar .

 

Arinkaas oo ay isla qaateen dalalkii dunida uGu shidaalka badnaa ee Saudi Arebia iyo ( dalallkii Khaliijka ee kale ) iyo dalka Maraykanka .

 

Petrol-ku waa ganacsiga koobaad ee caalamka , waa badeecad cid kastaaba u baahan tahay iyo goor kasta .

Saddam Xuseen ayaa ku iibiyay 2-bo sano Petrol-kii dalkiisa , wixii ka qabsday isaga iyo dalkiisii Iraq , weynu wada ognahay .

 

Dalalkii Europe -na lacag bay wada sameysteen ( Euro) 27 dal , arintaasuna Dollar-kii weerar ayay ku tahay .

 

Dalal kale oo dunida ka mid ahina ayaguna waxay doonayaan in lacag caalamka ka dhaxaysa oo wax lagu kala iibsado la sameeyo oo uu hogaaminaayo dalka China iyo india .

 

Talaabadii uu Putin ( madaxweynaha Ruushka0 uu qaaday iyaduna Qatar ayay ku tahay Dollar-ka iyo wax ku iibsadkiisii .

 

Markii uu yidhi: cid kasta oo Petrol ama Gaas iga iibsanaysaa waa inay (Robil) ku bixisaa ( waa lacagta Ruushka).

 

Hadaba waxaa lays weydiinayaa ????maxaa Dollar-ka bedeli doona>

Ma Dahabkii ayaa caalamku wax ku kala iibsan doonaa, oo mar kale lagu noqon doonaa?

Sidee loo bedeli doonaa Dollar-ka? yaa bedeli doona?

Dalka Maraykanka ma ogolaan doonaa in Dollar-kiisu Meesha ka baxo ?

Dalka Maraykanka oo ah quwadda ciidan ee dhaqaale ee siyaasadeed ee caalamka uGu weyn , ma ogolaan doonaa arinkaa in Dollar-kiisu Meesha ka baxo?

Hadaba su,aalahan iyo qaar kale oo badan ayaynu filanaynaa in ay caalamku isweydiiyo , sanadaha oo socda iyo dagaalkoodii .

 

CALI MAXAMED BIIXI

[email protected]

CALIBIIXI

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...