Jubaland Oo Wafdi Sare Maanta U Direysa Ceelwaaq Oo Doorashada 16 Kursi Lagu Qabanayo.

0
Sunday April 17, 2022 - 10:32:58 in News by
  • Visits: 618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubaland Oo Wafdi Sare Maanta U Direysa Ceelwaaq Oo Doorashada 16 Kursi Lagu Qabanayo.

    Sida qorshaha uu yahay doorashada 16-kan kursi waxaa lagu qabanayaa inta u dhexeysa 18-ka bishan ilaa 27-ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida qorshaha uu yahay doorashada 16-kan kursi waxaa lagu qabanayaa inta u dhexeysa 18-ka bishan ilaa 27-ka



Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka tegaya wafdi sare oo ka socda maamulka Jubaland, kuwaasoo tegaya magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaasoo la doonayo in lagu qabto doorashada 16-kii kursi ee taalay magaalada Garbahaareey oo 14-kii bishan laga wareejiyay...


Xubnahan oo isugu jira Wasiirka Arrimaha Gudaha DG Jubbaland, Saraakiil katirsan Ciidanka Daraawiishta, Nabadsugidda iyo xubno ka socda Madaxtooyada ayaa u kuur galaya sidii ay u soo qiimeyn lahaayeen goobaha loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada, iyadoo xubnahan ay la kulmi doonaan maamulka Degmada, Saraakiisha ammaanka, Odoyaasha dhaqanka iyo Haweenka, waxeyna kala hadli doonaan sidii looga wada shaqeyn lahaa in si amaan ah ay doorashada ku qabsoonto...



Warar kale oo soo baxaya waxa ay sidoo kale sheegayaan in gelinka danbe ee maanta ay sidoo kale Ceelwaaq ku wajahan yihiin Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee DG Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowlad-Goboleed Siyaad Maxamed Mursal & Guddiyada FETI iyo Xalinta Khilaafaadka si loo billaabo doorashada...


Sida qorshaha uu yahay doorashada 16-kan kursi waxaa lagu qabanayaa inta u dhexeysa 18-ka bishan ilaa 27-ka, iyadoo kurisga ugu horeeya oo sumadiisu tahay HOP079 la isku raacay in doorashadiisa la qabto maalinimada Isniinta ah ee beri oo ay taariikhduna tahay 18-ka bishan April...


Si kastaba,Qabashada doorashada kuraasta Ceelwaaq ayaa ka dhigan in dhammaan doorashada golaha shacabka la dhameyn doono 27-ka April, maadaama kuraastaas ay yihiin kuwa kaliya ee harsan, ayada oo la filayo in HirShabeelle ay doorashadeeda dhameyso xilligaas kahor.

Loading...
Loading...