Xeer Ku Sheeggii 14/21 Ee Muuse Bixi Cabdi Soo Dhoobdhoobay Kuna Kala Jabiyay Wakiiladdii Cusbaa Oo Afka Lagaga Dhuftay

0
Sunday April 17, 2022 - 10:36:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 952
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer Ku Sheeggii 14/21 Ee Muuse Bixi Cabdi Soo Dhoobdhoobay Kuna Kala Jabiyay Wakiiladdii Cusbaa Oo Afka Lagaga Dhuftay

    "kuwaasi oo aan uga soo magac qaaday neefafkii Jiddaawigga ahaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"kuwaasi oo aan uga soo magac qaaday neefafkii Jiddaawigga ahaa"

Muranka oo ay ugu badiso sida uu isagu aaminsan yahay waa Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) kaasi oo ku dhex dhacay wakiiladdii cusbaa isagoo qaar ka mida u soo dhiibay xeer uu ula baxay 14/21, kaasi oo uu sal uga dhigay in la furi doono ururaddii ay yeelan doonto Somaliland marka la gaadho December 2022 oo ay noqon doonaan saddexdda hadda jiraa kuwo aan sharci ahayn, iyada oo ayDecember 2022 ku beegan tahay 10 sano oo lagu heshiiyay in marka la joogaba mar la tartansiiyo xisbiyo cusub iyo kuwii hore u jiray si ay uga soo baxaan saddex kuwaasi oo noqon doona xisbiyadda qaranka Somaliland 10 sanno ee soo socda,  hase ahaatee Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) oo kursiggii la macaanaaday oo dabadda giijiyay kuna samri waayay inuu ku tago 5 sanno qabtana doorashaddii madaxwaynenimo oo ku beegan November 2022, kaasi oo dhanka kalena yiqiinsaday inaanu helayn doorashadda madaxwaynenimaddaNovember 2022, loona tumi doono siddii loo garaacay kuwii deegaanka iyo wakiiladda ee sanadkii 2021kii, dabadeedna is waydiiyay bal sida u muran cusub u bilaabi lahaa uguna nagaadi lahaa kursigga dabeedna faalkiisii baasaa u sheegay inuu labadda tartame ee labadda xisbi ee UCID iyo WADDANI meesha ka saaro.Waar la sahlanaa inuu talaabada ku dhaqaaqaa; dabadeedna waxa uu kala soo baxay jeebka xeer daciifa oo uu ula baxay 14/21, kaasi oo ahaa mid sharci darro ah, si uu taa u meel marsadana waxa uu madaxtooyadda ku shirayay qaar ka mida xubnihii cusbaa ee gollaha wakiiladda ee dhaameelka cusub kaasi oo u soo dhiibay xeerkaa uu soo malmaluuqay farayna inay maxkamadda sare geeyaan.

 

 

Dadka reer Somaliland waxa ay naawilayeen in ay u soo baxaan mudnayaal dhallinyaro u badan oo ay kaga raysan doonaan kuwii hore ee mudadda 20 sanno ka badan gollaha yuururay ee ay dadwaynuhu ula baxeen Gollaha Dhaameelka.Haddaba waxaa soo dhacay oo yimi gollihi waa ika dar oo dibi dhal, waxaanu markiiba suuqa madow xukuumadda fadhiidka ah ee uu gadhwadeenka ka yahay Muuse Biix Cabdi (Wax Ma Yaqaan) iibsadday 10 ka mida xildhibaanadda aan u bixiyay (Jiddaawi), kuwaasi oo aan uga soo magac qaaday neefafkii Jiddaawigga ahaa ee lagu kala gadan jiray Sayladda Hargaysa, kuwaasi oo uu ka soo kala dafay Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan)UCID inta ugu badan iyo midhadh WADDANI ah kuwaasi oo uu ugu talo galay in uu ku tiro badsaddo bacdamaa aanay ku filayn kooramna u buuxinayn 30 iyo jarjarkii uu ka helay doorashaddii wakiiladda, taasi oo aan kala taliyay xisbigga UCID bal inay isku dayaan inay ka daba tagaan dhagse looma jalaqsiin taladdii mana ay mahadin ururka UCID diidmadda taladdaa.

 

 

 

Waxaa wehelinayay 10 xildhibaan ee uu ka dafay UCID iyo WADANI 4 ilaa 5 xildhibaan oo aan filayo inay ka yimaadeen xisbigga Waddani ayaa lagu marin habaabiyayaraddaayadda aad ka soo jeeddaan ayaa xisbiyo furan doona haddii aad meel marisaan xeerkan loogu yeedhay 14/2021 ee Madaxtooyadda laga soo dhoobdhoobay, kuwaasina ma ay tix galin dhaartii ay ummadda u dhaarteen oo sida Muusaba u doonayay inuu xeerkaa beenbeenta ahaa  ku helo cimri dherer oo uu xeerkaasi beenbeenta ahaa u suurta galiyo inaanu  qaban doorasho madaxtooyo si uu kursigga ugu sii fadhiyo dhawr sanno oo danbe, kuwaasi oo loogu yeedho muddo kordhin.Haddaba waxaa u hiilliyay ummadda SomalilandEebbe oo ah mid quwaddiisu wayn tahayoo badbaadiye u noqday dadwaynihii reer Somaliland oo uu AadanXaaji Cali guddoomiyaha maxkamadda sare oo aanan waliba sidaa ka filayn inuu daaqadda ka saaro xeerkaa been beenta ahaa ee laga soo maleegay madaxtooyadda una shaqayn waayo Muuse iyo Xukuumaddiisii aan dadwaynaha danta ka lahayn  waliba la laalo oo meesha uu ka baxo, haddaba waxa la is waydiinayaa Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) xaggee ayuu uga digo rogan doonaa jabkaa ku dhacay? mase qaban doonaa doorashaddii madaxtooyo 13 december 2022.



 

Waxaan aad u rumaysanahay iyadoo aan la eegay kala duwanaanshiiyahoodda qofeed,qabiil saddexdda tartame ay tahay in ay ku tartamaan doorashadda December 2022, in la raaco dariiqa sharcigga, kaasi oo aan ahayn sharci beena oo jeebka uu kala soo baxo qofna haddii uu noqdo Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) iyo labadda xisbi mucaarid toona, laakiin sida hadda wax u socdaan waxaan qabaa in uu yahay ka qardajeexayaa Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) oo isku huba inuu haysto xukuumaddii iyo awooddii maaliyadeedba, taasise socon mayso ee waxaa kaliya ee ay tahay inuu shaqeeyaa waa sharcigga waxaanan rajaynayaa inuu miyirku ku soo noqdo oo uu doorashadda qabto joojiyana muranka bilaa micnaha ah hadba qofkii ku soo baxa doorashadduna uu noqdo madaxwayanaha hir galiya hanaanka loo marayo in la abuuro xisbiyo cusub oo uu dalku yeesho, taasina si wayn ayaan u raacsanahay oo ma qabo in ay hortaagnaadaan saddexdda xisbi ee UCID,WADDANIi iyo Kulmiye oo waa in la helaa kuwo dhaama waaba haddii ay yimaadaane  laakiin su'aasha la is waydiinayaa  waxa weeye yaa furaya xisbiyadda qaranka ma madaxwaynahan xilligiisu sii dhamaanayo ee Muuse Biixi Cabdi (wax ma yaqaan) mise ka la doorano  sanadkan 2022dabayaaqadiisa kuu doono ha noqdee?, taas ayaa ah su'aasha si siyaasiya ama sharci ah in looga jawaabo inta yowyowtanka la dhaafo ayaan u arkaa sida saxa ah, Haddii kale ka eeg mudo dheer iyo mudo kordhin kale iyo Somaliland nabadeedda oo xagal daacdda.

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...