Waa Maxay Feyraska Laga Cabsi Qabo In Uu Dunida Ku Faafo?

0
Sunday April 17, 2022 - 10:01:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Feyraska Laga Cabsi Qabo In Uu Dunida Ku Faafo?

    "Inta badan feyraskan waxaa gudbiyaa kaneecada, waxaa kale lagu kala qaadi karaa galmada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Inta badan feyraskan waxaa gudbiyaa kaneecada, waxaa kale lagu kala qaadi karaa galmada"

Cilmi baarayaasha ayaa ka digay inay suurtagal tahay in uu dunida ku faafi karo feyraska Zika, waxay sheegeen in feyraska uu yahay mid isbaddalayo isla markaana uu si baahsan u faafi karo.



Cudurkan ayaa sababay xaalad caafimaad oo deg deg ah oo caalami ah sanadkii 2016-kii, iyadoo kumanaan carruur ah ay ku dhasheen dhaawac maskaxeed ka dib markii hooyadood uu ku dhacay feyraska markii ay uurka lahaayeen.


Saynis yahano u dhashay Mareykanka ayaa sheegay in dunidu ay tahay in ay ka digtoonaato isbedellada cusub ee uu saameynayo feyraska Zika.


Baaritaan dhanka sheybaarka ah oo lagu sameeyay feyraska oo uu daabacay wargeyska ka faalooda arrimaha seyniska ee Journal Cell ayaa ku tilmaamay feyraska in uu si fudud isku beddeli karo , sidoo kale uu abuuri karo noocyo cusub oo isla Feyraska ah.


Sida laga soo xigtay macadka La Jolla ee ka faalooda habka uu u shaqeeyo difaaca jirka ayaa sheegay in baaritaanidii ugu dambeeyay ee ku saabsan caabuqa uu tilmaamayo in noocyada cusub ee ka dhalan karta feyraska laga yaabo inay waxtar u leeyihiin fiditaanka fayraska, xitaa waddamada horey u helay dawooyinka kaa difaacayo feyraska Zika.


Isbaddalka Feyraska

Zika waxa lagu kala qaadaa qaniinyada kaneecada, Cayayaankan waxa laga helaa qaarada Ameerika oo dhan - marka laga reebo Kanada iyo Chile sababta waa dhulka leh cimilo qabow, weyna adagtahay in uu ku noolaado halkaas.


Dadka qaar si sahlan ayuu ugu dhacay cudurkan laakiin wuxuu saameyn xooggan ku yeeshaa ilmaha weli ku jira caloosha hooyada.


Haddii hooyada ay qaado fayraska inta ay uurka leedahay, wuxuu saameyn caafimaad ku yeelan karaa canuga aan dhalan, wuxuu dhaawac u geysanayo maskaxda canuga.


Sanadkii 2016-kii ayay aheyd markii Hayadda caafimaadka addunka ee WHO ayaa ku dhawaaqdaay in Zika virus iyo saamaynta ay ku leedahay carruurta dhasha ay tahay arrin caafimaad bulsho oo deg deg ah, xilliggaas waxay hay'adda ku baaqday in laiska kaashado sidii looga hortaggi lahaa cudurka.


Feyraska Zika

Inta badan feyraskan waxaa gudbiyaa kaneecada, waxaa kale lagu kala qaadi karaa galmada.

Dad yar ayaa u dhinta cudurka halka shantii qof ee cudurka qaba hal kaliya ah lagu arko astaamihiisa, kuwaas oo ay kamid yihiin qandho, xanuun dhanka lafaha ah iyo finan.


Maadama uusan laheyn wax dawo ah, tallaabada kaliya ah ee looga hortaggo cudurka ah ayaa ah sidii la isaga ilaalin lahaa qaniinyada kaneecada.


Seynisyahanada waxay bilaabeen inay ka shaqeeyaan sidii ay kusoo saari lahaayeen tallaalka Zika si ay u caawiyaan haweenka uurka leh.

 

BBC

Loading...
Loading...