Huruudda Ma Waxay Daweyn Kartaa Cudurka Kansarka?

0
Sunday April 17, 2022 - 09:57:00 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 984
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Huruudda Ma Waxay Daweyn Kartaa Cudurka Kansarka?

    "Tijaabooyin lagu sameeyay jiirka ayaa muujiyay in ay ka hortagto noocyo badan oo kansar ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Tijaabooyin lagu sameeyay jiirka ayaa muujiyay in ay ka hortagto noocyo badan oo kansar ah"

Huruudda inta badan si weyn looga isticmaala dunida, huruudda waxaa inta badan laga waayin madbakhyada dhammaan dalalka dhaca Koonfurta Aasiya, o ay ku jiraan Hindiya iyo Pakistan. haddaba, huruuddan loo isticmaalo hagaajinta dhadhanka cuntada ma waxay sare u qaaddaa caafimaadka kana hortagtaa Kansarka?



Waxaad ka heli doontaa kumanaan maqaallo dhowr ah oo sharaxaya sida huruudda ay u daweyn karto cudurrada sida laabjeexa, kuwa ku dhaca dheef-shiidka, sonkorowga, niyad-jabka iyo cudurka Alzheimers. Waxay xitaa daweyn kartaa kansarka.


Kumanaan daraasadood ayaa lagu sameeyay huruudda, waxaana la sheegay inay ku jiraan walxo dawo ah, huruudda waxaa ku jira maado lagu magacaabo curcumin.


Tijaabooyin lagu sameeyay jiirka ayaa muujiyay in ay ka hortagto noocyo badan oo kansar ah gaar ahaan in uu koro.


Laakiina huruudda waxaa boqolkiiba 2 ilaa 3 waxaa ku jiraa maadada curcumin marka aan cunno jirkeena si dhakhso ah uma qaato, daraasadaha ku saabsan huruudda ayay dhif tahay in lagu sheego xaddiga maadada benzene ee ku jirta huruudda.


Haddaba cunista xaddi yar oo ah huruud ah waxay sare u qaadi kartaa caafimaadkeena ama waa inaan isticmaalnaa cuntooyinka ay ku jirto maadada curcumin si aan nafteena uga ilaalino caabuqyada


Daraasadda

Si arrintaas loo go'aamiyo, waxaan eegeynaa daraasad lagu sameeyay UK oo ku saabsan saameynta caafimaad ee huruudda.


Waxaana kamid ah daraasad ay sameysay jaamacadda Newcastle., waxaana baaritaan lagu sameeyay 100 qof oo isa soo xilqaamay, waxaana dadkan loo kala qeybiyay saddex qeybood.


Kooxda koowaad waxaa maalin kasta la siin jiray hal qaado oo shaah huruud leh. Kooxda labaad ayaa la siiyay cunto ay ku jirto huruud. Kooxda saddexaad waxa la siiyay huruud iyo waxyaabo kale.


Waxaa baaritaan lagu sameeyay dhiiggooda, Tijaabadii ugu horeysay ayaa lagu eegay sida unugyada dhiiga ee dadka cunay huruudda ay ugu adkeysan karaan ​​cudurada waxayna muujisay sida uu u wanaagsan yahay habka difaaca jirkooda.


Waxay tani sharraxaad ka bixineysaa sida huruudda ay u yaren karto dhibaatada ka dhalan karta cudurrada halista ah sida sonkorowga.

Wajiiga saddexaad ee baaritaanka waxaa lagu sameeyay unugyada dhiiga cad ee jirka.


Natiijooyinka ayaa loo baahnaa baaritaanka hidda-socodka DNA-da, laakiin baaritaanka wuxuu fikrad naga siiyay xaaladda difaaca jirka iyo dadkii ku lugta lahaa daraasadda lagu sameynayay huruudda.


Daraasadda kale waxaa sameysay jaamacadda University College London, waxaana lagu ogaaday waxyaabaha ku jira huruudda ee ka hortagga Kansarka.


Ma jirin farqi dhnka hidde-side ah oo u dhexeeyay DNA-yada kuwa qaatay budada huruudda ah iyo kuwa isticmaalay borotiinka huruudda. Laakin kuwa cuntada ku darsaday huruudda waxay ku kala duwanaayeen qaab dhismeedka DNA-da.


Natiijada

Waa xilli hore in la yiraahdo huruuda waxay leedahay saameyn la taaban karo laakiin huruudda ayaa laga yaabaa inay faa'iido u leedahay samaynta unugyo la mid ah unugyada laga soo qaatay shaqada hidda-sidaha.

Laakiin huruudda waxay xoojin kartaa caafimaadka waa haddii lagu daro cuntooyin ay ku jiraan basbaaska iyo saliid seytuunka.


Cilmi baaris ayaa sidoo kale muujisay in cunista xaddi yar oo huruud ah ay saameyn wanaagsan ku yeelan karto jirkeena. Cilmi-baaristan ayaa wah mid bilow ah.


Laakin waxa la oran karaa huruudda waxay kaa ilaalin kartaa cuduro badan oo daba dheeraada. Markaa isticmaalka huruudda waxay xoojin kartaa caafimaadka qofka.

 

BBC

Loading...
Loading...