"Waxa Jira Wiil Uu Dhalay Madaxweynuhu Oo Ku Shaqaysta Magaca Sirdoonka Qaranka" Xildhibaan Ahmed Khaliif

0
Sunday April 17, 2022 - 08:43:34 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxa Jira Wiil Uu Dhalay Madaxweynuhu Oo Ku Shaqaysta Magaca Sirdoonka Qaranka" Xildhibaan Ahmed Khaliif

    "Waxa Jira Wiil Uu Dhalay Madaxweynuhu Oo Ku Shaqaysta Magaca Sirdoonka Qaranka" Xildhibaan Ahmed Khaliif

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa Jira Wiil Uu Dhalay Madaxweynuhu Oo Ku Shaqaysta Magaca Sirdoonka Qaranka" Xildhibaan Ahmed Khaliif



Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Ahmed Khaliif oo ka mida Mudaneyaasha golaha Wakiillada Somaliland ayaa Taliska Ciiddanka Sirdoonka u soo jeeddiyay inay caddeeyaan inuu maamulo Wiilka uu dhalay Madaxweynuhu ee Ahmed Muuse Biixi iyo in kale.


Xildhibaan Ahmed Khaliif oo ka tirsan Xildhibaannada golaha Wakiillada Somaliland waxa kale oo uu Madaxweyne Biixi u soo jeeddiyay inuu ummadda ka qabto Wiilkiisa, kaasoo uu sheegay inuu ku shaqaysto magacyadda Talisyadda Ciiddanka Booliska iyo Sirdoonka qaranka.


"Waxaan cambaarraynayaa falkii foosha xumaa ee ka dhacay Xarunta danbi baadhista ee CID-da oo lagula kacay Xildhibaan ka tirsan golaha Wakiillada ee shacabku soo doortay Xildhibaan Maxamed Abiib, iyaddoo ay Aflagaaddo iyo Hanjabaaddi uga timi Taliyaha Ciiddanka Booliska Somaliland, runtii aad baan uga xumahay in Nin Xildhibaan ah oo muwaadin ah lagu yidhaahdo muwaadin ma tihid ama cadow ayaa ku soo diray oo aad u shaqaynaysaa.

Mushkuladdaha ina haysta waxa kow ka ah in qofkii dhaliil sheegaba la yidhaahdo cadow baad u shaqaysaa.! Waa wax aad loola yaabo Xaqiiqatan.

Beryahan danbe waxaad mooddaa in Masuuliyiintii Xukuumadda ay ka muuqato cabannaan badan oo wixii la yidhaahdaba ay Xanaaq iyo Cadho kaga jawaabayaan, waxaan leeyayahay haddii la idin dhaliilo waxa wanaagsan inaad dhaliishiina saxdaan oo aad dib isu eegtaan.

Ciiddanka Booliska Somaliland-na waxaan leeyahay golaha Wakiillada isma haysaan, shaqaddiinuna waa amniga dalka, waxaan idin soo jeeddinayaa inaydaan siyaasadda ku dhex milmin ee aad shaqadiina qabsataan. Taliyaha Ciiddanka Booliskanna waxaan leeyahay nin wayn oo muxtarim ah baad tahay, waxaad tahay Taliyihii u sarreeyay Ciiddanka Booliska Somaliland waxaan kuu soo jeedinayaa inaad arrintaas raali-gelin ka bixiso.

Waxa jira Niman dhalinyarro ah oo ku shaqaysta magaca Sirdoonka qaranka Somalilland, Sirdoonkanna waxaan ku ogayn Hay'ad madax-bannaan oo qaranka difaacda oo dalalka shisheeye iyo dalkaba xogaha Amniga ka aruurisa, markaa anigu garan-maayo Sirdoonkan shaqadiisii noqotay in qofkii facebook-ga ka hadlaba uu soo qabto, markaan arrintaas daba-gal ku sameeyay Taliska Ciiddanka Boolisku waxa ay ii sheegeen inaanay Ciiddankaas la socon oo aanay kama war hayn, xitaa Taliska Ciiddanka Sirdoonku waxay ii sheegeen inaanay garanayn, markaa hadalka afka lagama dhawree Nimankaas dhalinyaradda ah ee dadka qaata waxa guddoomiye u ah oo ay ka ammar qaataan Wiil uu Madaxweynuhu dhalay oo la yidhaahdo Ahmed Muuse Biixi Cabdi.


Loading...
Loading...