SOLJA Oo War Ka Soo Saartay Xaalada Suxufiyiinta Ku Xidhan Hargaysa

0
Saturday April 16, 2022 - 18:43:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 886
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOLJA Oo War Ka Soo Saartay Xaalada Suxufiyiinta Ku Xidhan Hargaysa

    "waxa dhamaan Saxafiyiintani ay ku xidhan yihiin xarunta laanta baadhista danbiyada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxa dhamaan Saxafiyiintani ay ku xidhan yihiin xarunta laanta baadhista danbiyada"

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 16 April, 2022 waxa Maxkamada Gobolka M/jeex la horgeeyey 15 Suxufi oo maalintii 4aad xidhan, isla markaana Maxkamadu u goysay mudo shan maalmood oo rumaan ah.



Dhamaan Saxafiyiintan ayaa sheegay in xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay marka laga reebo Saxafi Maxamed Cabdi sheekh kaas oo ay la soo daristay Xaalad Caafimaad oo dhinaca caloosha ah waxaana xaaladiisa Caafimaad loo xilsaaray dhakhaatiir ku dawaynaysa xarunta CID-da kuwaas oo la soconaya xaaladiisa.


Hadaba, waxa dhamaan Saxafiyiintani ay ku xidhan yihiin xarunta laanta baadhista danbiyada ee ciidamada booliska (????.????.????) ee magaalada hargeysa.


No description available.

Loading...
Loading...