Dhalinyaradeenu Waxay Xaq Inoogu Leeyihiin Dhiirri-gelin Balse Xaq Inooguma Laha Cadaadin

0
Saturday April 16, 2022 - 13:04:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyaradeenu Waxay Xaq Inoogu Leeyihiin Dhiirri-gelin Balse Xaq Inooguma Laha Cadaadin

    Asalaamu Calaykum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu Calaykum

Dhalinyaradeenu waxay Xaq inoogu leeyihiin Dhiirri-gelin, Taakulayn, Tusaalayn iyo Toosin, balse Xaq inooguma laha Cadaadin, Cabudhin iyo Cago-juglayn.



Dhalinyaradan hormuudka ka ah Warbaahinta dalkeena badankoodu waa qaar la koray ama dhashay intii ay Somaliland Xornimadeeda la soo noqotay, ama waa kuwo ay da'doodu aad u yarayd markii aynu dalka dib loogu soo noqday 1991kii.


Waxay ku dhex koreen oo ay nolol ka dhex abuurteen Dal aan dunidu aqoonsan oo duruuftiisa dhaqaale laga war hayo, dhalinyarada dalkeenu waxay sameeyeen dedaal aad u badan oo ay dhexda u xidheen inay wax is baraan, noloshoodana deberaan iyaga oo Dalkooda hooyo aaminay oo aan meelna uga tahriibin oo Ciidooda iyo Calankooda aaminay.


Waxay abuurteen Warbaahin noqotay ta ugu sumcada weyn, uguna horumarsan wadamada Geeska Afrika, waxaanay noqdeen qaar isku kalsoon oo shaqo abuurtay oo noloshoodii deberay, kana maarmay inay cid sacabada hoos dhigtaan.


Dhalinyarada Saxaafadeena madaxa banaan ka hawl galaa waxay ka qayb qaateen horumarka dalkeena iyo iibgeynta sumcada Dimuqraadiyada iyo horumarka kala duwan ee dalkeenu uu ku talaabsaday. Waxa kale oo ay kaalin weyn ka qaataan baraarujinta iyo baahinta masiibooyinka dhaca si wax looga qabto.


" Markii aanu warbaahinta Somaliland ka daawanay warbixintii ay saxaafada Somaliland ka soo gudbinaysay holoca suuqa Waaheen, ayaanu is hayn kari weynay oo aanu Jigjiga ka soo gurmanay"  sidaas waxaa yidhi

Mudane Mubashir Dibbad Raage oo ah hoggaanka nabadgelyada Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.


Warbaahinteena madaxa-banaani waxay inoogu jirtaa kaalintaas ay codka ummada gaadhsiiyaan meel kasta, xiliyada abaaraha iyo dhibaatooyinku jiraan waa kuwa isku xidha Dawlada iyo Dadweynaha iyo Dunida.


Dabcan Warbaahinteenu ceeb ka saliim maaha, way jiraan khaladaad badan oo ay galaan, balse khaladaadka yar ee marmar ka dhaca waxa ka weyn oo ka qiimo badan faaiidada ay Qaranka u leeyihiin, wixii khalad ah ee ay ku kacaana waxaa jira dariiqyo badan oo aan xadhig ahayn oo lagu xallin karo.


Ugu danbayn waxaan Xukuumada usoo jeedinayaa inay dhalinyarada xidhan dhakhso usoo deyso, kana dulqaado culays kasta oo la saarayo dhalinyaradaas dedaalaya ee noloshooda dhistay iyaga oo aan cidna taageero ka helin, lagana fogaado in lagu qasbo inay Dalkooda ka tahriibaan oo ay Dalkooda ka cararaan.

" Muslin kuma cabiidsamo walloon madaxa kaa goyne" Abwaan Saahid Qamaan. Allah yaraxmhu.


Somaliland ha Guulaysto

Kaysar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...