"Saxafiyiinta Waxa Lagu Haystaa Mucaaridkaad Baasto La Cunteen" Abwaan Weedhsame

0
Saturday April 16, 2022 - 12:38:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Saxafiyiinta Waxa Lagu Haystaa Mucaaridkaad Baasto La Cunteen" Abwaan Weedhsame

    Abwaan Weedhsame Oo Sheegay Halka Laga Raacay Saxafiyiinta Xidhan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaan Weedhsame Oo Sheegay Halka Laga Raacay Saxafiyiinta Xidhan

Hargaysa (HWN) Abwaan Weedhsame oo ka hadlayay saxafiyiinta xukuumada Muuse Xabsiga utaxaabtay ayaa sheegay in laga raacay saxaafada afur xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani usameeyay warbaahinta Hargaysa.

Abwaanka ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo uqornaa sidan:-

 

"Isma qabanayso markaynu US joognana inaynu xorriyatul qawl ka sheekayno, oo ereyada qalaad ee "shared values” ku celcelino, marka Hargeysa la yimaadana Saxafiyiinta la xidhxidho.

 

Yaryarkan facebook la dhex wareegaya sheekada loo soo yeedhiyey ee ah "Saldhig ciidan bay galeen” waxan weydiinayaa, Anigu ma saldhig ciidan baan galay, markay xukuumadda Mujaahidiintu Berbera hotelkaan bandhigga ku lahaa ciidanka iyo C.l.D ku soo rogtay. Maxay ku sababaysay ee aan ka ahayn, amar ku taaglayn iyo car naga aragti duwanoow.!!!!!

 

Saxafiyiintan waxa keliya ee lagu haystaa inay tahay MUCAARIDKAAD BAASTO LA CUNTEEN, ayaan anigu aaminsanahay.

 

Waxse la yaab leh, Qiilka kaliya ee maanta lagu difaacayo xadhiga wariyaayushu inu noqday "XIRSI IYO HEBELBA WAA SAMAYN JIREEN SIDANI OO ANNAGUNA WAAN SAMAYNAYNAA” ayuu yidhi Abwaan Weedhsame


Loading...
Loading...