Taliyaha Booliska Somaliland Oo U Hanjabay Xildhi. Maxamed Abiib.

0
Saturday April 16, 2022 - 12:07:00 in News by
  • Visits: 2543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Booliska Somaliland Oo U Hanjabay Xildhi. Maxamed Abiib.

    Wuxuu igu yidhi iska tag anagaa shaadh ku le'eeg ku gelinayna oo naqaan halkan ku gaynayno?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu igu yidhi iska tag anagaa shaadh ku le'eeg ku gelinayna oo naqaan halkan ku gaynayno?

Hargaysa (HWN) Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland uu hadalo hanjabaada ah ku yidhi,hadaladaasi oo ay kamid ahaayeen shaadh ku leegbaan kuu xidhi doonaa, sida xidhibaanku uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay

 

"Taliyaha Booliska Somaliland ayaa Igu yidhi cadowga Somaliland ayaad tahay wuxuu igu  yidhi oo kale ma adaa Somaliland ah? , halkaan ku ahay cadaynteeda ayaa laga doonaya jananka?



Wuxuu igu yidhi iska tag anagaa shaadh ku le'eeg ku gelinayna oo naqaan halkan ku gaynayno?


Halkeed I gaynaysaa Taliye ma Moorganbad noqotay iyo kuwii dadka iska layn jiray ma filaayo inaad noqotay dal dumuqraadi ah ayaad ka shaqaysa, Shacabka aya kaala shaqeeya sugida amaanka.


Shacabka Somaliland iyo dadkii isoo doortay waxaan u sheegay hadii la I waayo waxa ka masuul ah Dabagale."

 

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa ah xildhibaan inta badan ka hadla duruufaha nololeed ee shacabka soo doortay haysta isagoon lagaban hadalada.


Xukuumada ayaana inta badan ka gubata hadalada ka soo yeedho Xildhibaankan

Loading...
Loading...