Warbixin Sheegtay In Jidhdil Ciidanka Somaliland Ugaystay Saxafi Cabdi Germany

0
Saturday April 16, 2022 - 11:10:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1090
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin Sheegtay In Jidhdil Ciidanka Somaliland Ugaystay Saxafi Cabdi Germany

    "Sidaas daraadeed, xadhiga wariyuhu waxa uu ka hor imanayaa qodobada dastuuriga ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidaas daraadeed, xadhiga wariyuhu waxa uu ka hor imanayaa qodobada dastuuriga ah"

War-saraafadeed

 

Warbixin ku Saabsan Xadhiga Wariye Cabdisalaan Axmed Cawad (Cabdi Germany)

Wariye Cabdisalaan Axmed Cawad (Cabdi Germany) oo ah wariye madax banaan kana hawl-gala saxaafadda madaxa bannaan JSL, waxaana la xidhay 03/4/2022. Haddaba, waxa soo gaadhay Komishanka cabasho ku saabsan xadhiga wariyaha taariikhdu markay ahayd 4/4/2022.

 

Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka oo gudanayaa waajibaadkiisa shaqo ee ka saran arrimaha xuquuqda aadamaha si waafagan xeerka Komishanka xeer Lr 39/2010, Komishanku waxa uu dabagal yo baadhis ku sameeyey xadhiga wariye Cabdisalaan Axmed Cawad (Cabdi Germany), waxaanu la xidhiidhay ururka saxafiyiinta Somaliland ee (SOLJA), waxay u sheegeen Komishanka in aanay war sugan ka hayn balse ay heleen xog ah in uu u xidhan yahay cidanka sirdoonka kuna xidhan yahay xarunta sirdoonka Gobolka Maroodijecx, Hargeysa.

 

Komishanku waxa uu si watay baadhitaankiisii, waxaanu la xidhiidhnay hayadaha ku shaqada leh ee xeer ilaalinta, ciidanka, xeerka ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex, waaxda baadhista dambiyada (CID-da), iyo Booliska, waxaanay dhammaantood Komishanka u caddeeyeen in aanay xog ka hayn wariyahaasi, kuna xidhnayn goobahaasi.

 

Taariikhdu markay ahay 12/04/2022, sagaal (9) cisho ka dib xadhigiisii, waxaa komishanka soo gaadhay xog ah in la keenay xarunta dambi baadhista (CID-da) gobolka Maroodi-jeex lana horgeeyey hay'adaha garsoorka 13/04/2022, komishankuna kula kulmay xarunta CID-da isla maalintaasi wariye Cabdi Germany, wuxuuna komishanka u sheegay in uu ku xidhnaa mudo 9(sagaal) cisho ah xarunta sirdoonka Gobolka ee Maroodi-jeex, la soo xidhayna 8-dii habeeno, iyada oo aan lagu soo xidhin wargad ay ku caddahay xadhigiisu (warrant), loona sheegin sababta loo soo xidhay, lana hor gaynin wax maxkamad ah mudadaas, waxa kale oo uu komishanka uu usheegay mudadii uu ku xidhnaa sirdoonka in aan loo ogolayn booqashada. Sidoo kale waxa uu Komishank u sheegay in mid ka mid ah ciidanka sirdoonku u u gaystay jidh dil isaga oo tusay Komishanka nabarada loogaystay. Waxanu u sheegay in ay la soo daristay xaalad caafimaad daro iyada oo aan la gay goobo caafimaad Haddaba, komishanka oo ka duulaya dastuurka JSL qodobkiisa 25aad (1) oo sheegaysa in aan gotna xorriyaddiisa looga qaadi karin si an xeerka waafaqsanayn io qodobkiisa 27aad farqadihiisa (1, 2 iyo 4) oo sheegaya in qofka xorriyadda laga qaaday u la kulmo qareenkiisa iyo garaabadisa laguna horgeeyo maxkamad mudo 48 saacadood gudahoo. Sidoo kale waxa uu mamnuucayaa in an qofna lagu xidhi karin meel aanu xeerku banaynin.

 

Sidaas daraadeed, xadhiga wariyuhu waxa uu ka hor imanayaa qodobada dastuuriga ah ee kor ku xusan oo ka hadlaaya xuquuqaadka qofka xoriyadda laga qaaday. Komishanku waxa uu walaac ka muujinayaa tulin la aanta qodobada dastuuriga ah yo kutumashada shuruucda kale ee dalka, waxaanu so jeedinayaa in wadada sharciga ah loo maro cidda la xidhayo.

 

Waxa u komishanku u soo jeedinayaa dhammaan hay adaha ay khusayso in si deg deg ah wax looga qabto arrimahaasi ka dhanka ah dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka.

 

Ugu danbayn,Komishanku wax u ugu baaqayaa hay' adaha ku shaqada leh in u wariye Cabdisalaan Axmed Cawad u helo caddaalad sugan.



Komishanka Xuquuqal Aadamaha Qaranka Somaliland


No description available.

No description available.

Loading...
Loading...