Tobaneeyo Sano Ka Dib Ma Dhici Kartaa In Warbaahinta Madaxa Banaani Xayiraad Ku Soo Rogto Siyaasi Muxaafid Ah?

0
Saturday April 16, 2022 - 10:59:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tobaneeyo Sano Ka Dib Ma Dhici Kartaa In Warbaahinta Madaxa Banaani Xayiraad Ku Soo Rogto Siyaasi Muxaafid Ah?

    Waxa uu ahaa Wasiir ku xigeen awood wasiir lahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu ahaa Wasiir ku xigeen awood wasiir lahaa

Dhawr iyo toban sano ka hor oo uu talada Somaliland hayay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa warbaahinta oo xilligaasi ay  ugu awood badnaayeen Wargeysyadii Hargeysa ka soo bixi jiray ay isku dhaceen Wasiir ku xigeen awood badnaa.



Waxa ay mar qudha Wargeysyaddii iyo telefishano aan labo ka badnayni talo ku gaadheen in aan la baahinin war uu leeyahay.


Xaflad kasta oo uu ka qayb galo marka loo yeedho ayaa qalabka la laaban jiray, waxaase uu ahaa hadal yaqaan aan midhkiisa la gaban oo marka bogga hore ee Wargeyska warkiisa lagu daabaco ay yarayd in ay wax soo noqdaan, Maalintaas waa la wada iibsan jiray.


Waxa uu ahaa Wasiir ku xigeen awood wasiir lahaa, geesta kalena ahaa kaadiriinta Xisbiga UDUB

Maalintii dambe ayuu la heshiiyay warbaahintii, markaas ayaa isna Xayiraadii laga qaaday.


In kasta oo ay wakhtiyadu kala duwan yihiin, siyaasigee baad isleedahay warbaahintu yaanay Warkiisa Baahinin

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...