Saxaafadda Waa Loo Soo Dhiilo Dhaansaday!!
Waxaan aad uga xumahay xadhiga saaxiibadeyda saxafiyiinta ah ee habeenkii saddexaad xidhan waana sune xun, saxaafadda waxaa garbaha ka cuna siyaasi ay badhi taareen oo ay ummadda bareen kaas oo markuu dantiisa gaadho miciyo soofaysan ula soo baxa kuwii isaga wax ka dhigay.
Saaxiibadey wey soo baxayaan idam alle iyagoo ah kuwii aad u baahneydeen
Saaxiibadeyda saxaafadda ee dalka iyo dibadiisa jooga mid baan lee yahay.
Waxaan lee yahay umidooba dantiina guud oo wadajir muujiya waayo taas
ayaa guul idiin horseedi karta haddii aad kala qaybsataan oo daneystayaasha
siyaasiga ahi idin kala qaybiyo sidii saddexda Dibbi ayaa maalinba mid laydin
cuni, Midna waan idiin sheegayaa baahi joogta ah siyaasi baa leh oo gabalkii
dhaca iyo waagii baryaba wuu baahan yahay mar xil buu u baahan yahay oo ma
hadhsanayo marna dad buu u baahan yahay inay garbihiisa joogaan baahi iyo
siyaasina waa walaalo.
Cabudhinta iyo cabiidinta saxafiyiinta lama mahadiyo ee kuba iyo bawdada
ayaa lagaga jabaa saxafiyiinta waa kuwa ugu horeeya ee qaranka difaaca waayo
maalinta xun baa loo habar wacdaa oo maalinta wanaagsan baa loo habar wacdaa haddii
maalin khalad ka dhacona waa lagu ciqaabaa gar maaha oo gobonimo maaha waxaan
lee yahay
"ninkii Anniga iga maarmikara uma muraad yeesho”
Xukuummaddu yaaney coleysan warbaahinta ee xorriyadooda haw soo celiso wariyayaasha xidhan
Shicibyahaw, in aynu nahay kuwa leh awooda ay ku xulanayaan siyaasiga u
soo heensaystay xil umaddeed oo loo diro. Cidda diraysaa waa inaga oo
shicibkiiya, Hadda ba, si awooda Alle inagu galaday aynu u yaqiinsanno, maxaa inaga
hor istaagi kara dhammaystirka waajibaadka Qaran ee inoo sahlaya in aynu
doorasho ku muujinno rabitaankeena masiiriga ah oo aynu hayb iyo hebelo dano
gaar ah leh ka xorowno
Aynu dhammaanteen hadda waa idilkeen codkeenu ha abuuro jawi ka duwan kan
inoo muuqda
"Waxaan Ahay Ma Eexdaha
Runta Marada ku Astura
Maqas Laba Aflaan ahay"
Abwaan Yamyam AHN
W/Q- Maxamuud C/raxmaan
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!