Wariyaashana Hala Soo Daayo.

0
Saturday April 16, 2022 - 10:19:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariyaashana Hala Soo Daayo.

    Waxa Qoray: Aqoonyahan Cadbirashiid Baaxeer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Qoray: Aqoonyahan Cadbirashiid Baaxeer.

Anigoo aan qaadaynin garta iyo dacwadda ay maalintii sedexaad u xidhanyihiin dhalinyaradan oo kaalin muhiim ah dalka ugu jirta.



Waxaan codkayga ku biirinayaa in xoriyadooda loo soo celiyo dhawr sababood.

1. Xadhiga warbaahintu wuxuu leeyahay dareen caalami ah waxaana markiiba loo turjumaa dalka wariyaasha lagu xidho meel xoriyatul qawl aanu ka jirin.


2. Dhacdadii xanuunka badnayd ee 01-Apr dhalinyarada halkan ka muuqda waxay ka qaateen kaalin aan la ilaawi karin waxaana looga markhaati kacay in ay meel fog gaadhsiiyeen waana tii keentay in Gurmad degdeg ah inaga soo gaadho Jigjiga.  Taasi waxay mudantahay in maanta lagu ilaawo xitaa hadii ay jiraan arrimo nimaadka khilaafsan.


3. Maadaama dhibanuhu uu yahay xukuumadda bil Ramadaanna aynu ku jirno waa arrin qadarin mudan.


4. 12-Apr dhamaan dhalinyaradan iyo inta kale ee Warbaahinta ku jirta oo ilaa 35 ah waxay ku wada afureen Hotel Caroedeg waa Talaadadii ujeedka kulanku wuxuu ahaa sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen qaadhaanka loo gurayo Suuqa Waaheen.


Arrimahaa oo la isu geeyey waxay inoo sheegayaan  in xoriyadooda loo soo celiyo.

Ibnu Qayim , waxaa laga sheegay " 90% Akhlaaq wanaagu waa indha ka laabadka khaladaadka dadka kale ”


Dawladu hadulqaadato.

Wariyaashana hala soo daayo.

Taliye Dabagale ayuu codsigani ku socdaa.


Allah ayaa mahadleh.

Waxa qoray: Aqoonyahan Cadbirashiid Baaxeer.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...