Siyaasad Magaceed Baa Ba'ay ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday May 30, 2019 - 14:34:37 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasad Magaceed Baa Ba'ay ( Abdi-Shotaly).

    Waa duni madaxeeddii mijo loo celiyey, oo uu qof waliba cinwaan iska samaystay aanu lahayn,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa duni madaxeeddii mijo loo celiyey, oo uu qof waliba cinwaan iska samaystay aanu lahayn,
wax uu ka og-yahay-na aanay jirin-ba, laakiin wax uu dhego-dhegeeyey uun isku raray, meel uu u soo maray-na aanay cid sheegaysaa jirin, laakiin uu isagu isku magacaabay siyaasi, calaa-shaan aad wax ku cuntid iyo isaga oo lagu meeleeyey magac reer, oo lagu qafilay waxad wax ku tahay, magaca beesha xil-kana lagugu siiyey, ee laga bilaabo maanta waxad sheegataa siyaasi ay bello ka dhacday. Hees uu leeyahay Abwaan Tuunyo, baa waxa ka mid ahaa murtidda ku jirta " Aduun waa wareeroo, war iyo sheekaa ka hadha, wadaadka wax waansha iyo wabiinka munaafaq ahi, waheey waala-lawga iyo wacnaan maw siman yihiin?" jawaabtu waa maya, ma sina, isku miiqaana maaha, wax kefed la wadda saari karona ka dheer, sina looma wadda qiimayn karo, ee cirka iyo dhulku intay isu jiraan laban-laab-keed baa u dhaxeeya. wax la is barbar dhigi karona-na maaha. waa-se duni aakhiro-samaan iyo amuura-heedda, bal waxan saaka idiin soo  ban-dhigayaa, waa halkii Tima-cade ka gabyeye, ee uu lahaa " Duulkii inkaar qaba jinaa daasadaw tuma'e", bal kuwa garaacaaya wax ay ku sheegaan Durbaanka siyaasadda, ee inoo sheegta siyaasiyiin, saw in lays waydiiyo maaha halkay ku soo barteen Siyaasadda?

 

Akhristaw, haddii ay hadli lahaayeen labadda eray ee "Siyaasi iyo siyaasadi" way is dili lahaayeen, haddii ay nafi ku jiri lahayd, haday hadla-yaana xaal bay ka qaadi lahaayeen, oo maxakamad bay soo taagi lahaayeen, edeb dara-doodda, kuwa isku shaamba-deeyey siyaasiinta ee magacii ka dilay, laakiin ah beenaala-yaasha aan habeen meel ay siyaasadi taallo qoob dhigin, laakiin ah siddii orgacii idaha fuuli jirey ee Mallooliga la odhan jirey, ay xaaraan doonimo ula gashay iyo xeelad beelaysani. saaka waxan halkan hortiina aan idiin soo dhigayaa, kuwa ku andacoodda siyaasi-yiin baanu nahay, ha-yeeshee wax ay yihiin aanay jirin, ee dadka waanu ka been badan nahay ku sheegta siyaasad baanu naqaanaa, kuwaas oo ah kuwa halkaa dhigay Somaliland, ee iilka ka yar u qodey, waana kuwane ku soo dhawaadda.

 

(1) Ina Cabdi Dheere oo siyaasadda loo adeeg-sadaa ay tahay, in uu Garxajiska Ka eryo golaha dhexe ee qudhmiye,  siddii C/raxmaan c/qadir, jamac shabeel, Abdilahi geel-jire, Cadaani iyo qaar kaloo badan. Ogaadda oo isna inta mid jeegaanta ah (Weliba askariga is xigaan) la helaayo buu sii joogayaa meesha, oo waa ku meel gaadhe.



(2) Siyaasad magceed baa iska ba'aye, bal  kaynu naqanay ee "Raggii ma adigaa ka hadhay" baa ina leh siyaasad baan wax ka garanayaa, oo askari jaahil kaba-weyna ah, daqiiqad keliya aan ku riyoon siyaasad iyo meel ay joogto, ee maqalay uun wax siyaasad la yidhaaho baa jira, dabeed kufsaday oo cidla ciidda ku camcamiyey, intuu dhakadda uga baxay, idinkaa sheegi doona halka uu siyaasadda ku soo bartaye, weliba waa kii ugu dhego xidhnaa, akhlaaq xumaa, edeb daraa, ugu dadnimo liitay abkii askari, meel uu aduunka ka joogo-ba, waa ruux buka, oo qabyaalad iyo cuqdad uurka iyo madaxa ay dhaamisay, meela aan u soo marin maamul iyo arimi-hiis.


(3) Geenyo shaaximan, oo isaga aan ka lagu guuro-ba qabin, oo aan eebbe goror-ba madaxa ugu shubin, ee uu ku shaqaysto Askariga sidda caruurta u dirtaa, ee sidda ilma yar oo uu dhalay amarka u siiyaa, fartana ugu fiiqaa ee yidhaaha soo qabo waxaas, kaas baa Kiiniya loo direy oo la ydihi wax ka soo qabo siyaasad, saw meel dhimatay maaha iyo guri ba'aw yaa ku leh. 


(4) Cali Waal, waa ka aad u taqaanaan ( cali Gureye), qabyaaladda u haysta siyaasad, oo isna ah ninkii lahaa "Halkii illaah i baday baan raacayaa iyo beeshaydu madax-weyni heli-mayso haddii aan askariga la dooran"


(5) Jana-ka-bood, oo isaga oo iimaam ah ( waa sidduu ina yidhaaho'e), mar qudha kitaabkii xooray, imikana beenta ku fasila, kuna ansixiya quraanka, isaga oo iska dhigaaya sheekh daaci ah, oo wixii illaah faray sheegaaya, miyaad arag-teen been iyo munaafaqad quraan loo daliil-sado? Markaas buu weliba sidaas dad isla soo hor taagayaa, sheekh baan ahay.


(6) Maxamed  ( Waa ka war-baahinta), kaasi isagu maba uu maqlin wax siyaasad la yidhaaho, ee waxa lagu keenay meesha, xanuun uu ka qabo beelo gaar ah ( waa kuwuu ku sheegaayey gob maaha'e), bal in uu bilaa damiir yahay, waa ninkii dumaashiddii oo lala dhacaayey dhengedda, oo tamuujad cunaha lagaga qabtay, inan-tiisana la xidhay, sodoggii dhulkuu lahaa xoogga lagaga qaaday, la yidhi waxa laga dhisayaa " Xaafad-tooyo) weli daba socdda Askariga, sababta oo ah isku xaafad baanu ka soo jeednaa, waa wax aan dhiig iyo uus mid-na lahayn, ee ay ku qafilan tahay inaadeerkay baan khalad iyo sax-ba sacabka ugu garaacayaa, hadana wax qaran ku sheeg la yidhaaho ku dhuumanaaya, taas oo iimaan la'aan ah, bal in somaliland goblan tahay, noocaas baa siyaasi u sheeganaaya.


(7) Cabdiraxmaan  ( waa kii hablaha caayi jiraye), odhan jirey waxan soo saarayaa wareegto, ilayn ruux dhan maahaa,


( 8)  Xaaji Beenaale ( waa ka aad ugu yeedhaan Maxamuud xaashiye), oo aan illaahy caabdin, ee qabyaaladu u tahay Rasuul, illaahii abuurey-na ka jecel reer hebel. ku shaqeeya kala qaybi, u kala eexo, wax boob, kanaa ku xiga, waa qof googo'ay,oo naxli jar-jaray iyo nacayb beelo gaar ahi, waa ninka ilaa imika colaadda ceel-af-weyn ee soo noqon-qonaysa daaha daba-diisa ka wadda, oo xiqdi iyo xumaani xubin kaste oo jidh-kiisa ka mid ah ay buuxisay, weliba sidaas kaga rajo qaba in uu dhaxlo kursiga yaala xaafad-tooyadda ( waa guriggii moorgane). oo u haysta qabyaaladda siyaasad.


(9) Faysal Zaad, oo isna caruuroobay, wax uu samay-naayo iyo meel uu maraayo mid-na aan garanayn, noqday Af-hayeenka cusub ee Xaafad-tooyadda, dhuuni raacnimo madax martay, reer-kiisa loo abaansado, iyo in lagu soo xudho-xudheeyo C/Cirro, Horaa-se loo yidhi, fulaw guuli kuu dhawaydee, dad-kaas baa inala soo hor fadhiista waxan nahay siyaasi-yiin iyo siyaasad baanu wax garanaynaa.

 

Waxan ku soo xidhay qoraalkan, Guul wade sawaab ah iyo askari hay sudhnaa-deene, sidda geed saarka ah, aniga hay saloosheene, sumbo iyo ruux kala dhimani, haysku kay marao'e, aduun-yadu sidaa kuma gudhee saac kalaa bixiye, waase la isku soo gaadhi doonaa maalmo aan fogayne.  ummad yahay ka tashadda kuwan dulinka ka xun, ee idin baday halka aad joogtaan, eexdda, iyo qabyaaladdii loo soo xidhay shaadh beeleedka, cadaaladi aanay meesha oolin, dalkii carab ka xaraashay, ee uu ciidankii mid-ba maalin goosa-naayo, gobol-gobol aaminsani aanu jirin, noqotay qaataye qaado, ee duul oomani ay idinku soo dareereen, siddii shini kaalauf galay, waxa aynu taagan nahay maanta, oo si cad inoo haysta tixddii Raage Ugaas ee ahayd " Sidda koorta yucub oo la sudhay, koromo buubaal ah, ama geel kareeboo nirgaha laga gaxaynoo, ama ceel karkaaradda jebshiyo, webi karaar dhaafay, Kub miyaan ka jabay, biixi aan kabayo loo haynin, kob abaara oo dhexe miyaa koore ila meeray, maan-tana kataantii miyaa layga kala tuuray" waxan ku soo af-jaray maqaalkan waa sidaas sawirka Somaliland saaka, oo wixii ummadani u soo dhul gashay lama hayo, ayax baa ku baxay ooman, oo aan wax-ba reebayn, ee ku biyo caba ciddii rajo ka sugaysaay, wax idiin hadhay baa iskaba yar, yaan la idinku maaweelin nabad aan jirin, sawtan aanu reer-na-reer bixinayn, ee la kala diday siddii weere adhi ku dhex dhacay.

* N.B Isma qariyo Ruuxii Qariban, Wuxuu qayaayaaye.

Qore Abdi-Shotaly.

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...