Raafka Suxufiyiinta Ma Xukuumaddaa Ku Raadgadanaysa ?

0
Saturday April 16, 2022 - 09:44:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raafka Suxufiyiinta Ma Xukuumaddaa Ku Raadgadanaysa ?

    W/Q: Ahmed I Abdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed I Abdi

Xadhig Wadareedka Xukuumadda Somaliland kula kacday in ka badan 15 Suxufi oo ka hawlgala Saxaafadda Maxalliga ah iyo kuwa Caalamiga ahi ba, waxay muujinaysaa masuulidyad darrada ciddii ku talisay ! Sumcad dilka ay dalka gaadhsiinayso, laguma soo celin karo 50 Safar oo Dibadadda loogu baxo !



Waxay ahayd in Gadoodka Maxaabiista Jeelka Dhexe ee Hargeysa la baadho waxyaabaha keenay. Ma tacaddiyo ayaa lagu sameeyay Maxaabiista ? Ma cid baa ka caawinaysay Maxaabiistu inay Jeelka ka baxsadaan ? Intee in leeg ayay masuuliyad darro ka timid ciddi u xil saarnayd ilaalinta Maxaabiista?


Halkii ay ahayd in hawlahaa lagu mashquulo ayay Xukuumaddii qaaday Raaf Saxaafadeed iyo Xadhig Wadareed aan loo meel dayin. Sababta kaliya ee illaa hadda lagu sheegay waa in ay Saxaafaddu duubeen dhacdadaas oo ay goob joog u ahaayeen. In Saxaafaddu duubto oo baahiso dhacdo ay joob joog u ahayd ma dambi baa ? Sida Saraakiil Booliska u hadlay sheegeen waxa Saxaafadda lagu eedeeyay inay buunbuuniyeen dhacdadaas, qaarkoodna been abuur ku dareen. Su'aashu waxay tahay, haddii Mid iyo Laba warar been abuur ah lagu eedeeyay, maxay galabsadeen 13 Suxufi ee kale ? Maxaa keenay in xataa Xarumihii Warbaahinta Ciidamadu galaan oo hawlwadeenadii iyo Kamaradihii Ammaanka ba ka goostaan sida ku dhacday Horn Cable TV ?


Sida dadka qaarkiis ku doodayaan, Jeelashada Dalku ma Xero Ciidan oo aan dhacdo ka socota la baahin karin baa ? Maya waa Xabsi lagu hayo dad shacab ah oo Xukuman oo Ciidan uuni ilaaliyo. Xarun Ciidan waxa ah meelaha looga taliyo Ciidamada. Ciidanka Asluubta ee ilaaliya Maxaabiista maaha Xaruntoodu Jeelasha. Dhacdo kasta oo ka dhacda Jeelashana waa la duubi karaa, oo la baahin karaa !


Maxabiista gadooday ee Jeelka  Hargeysa oo aan ahayn markii ugu horeysay, maxaa soo celceliya ?

Marar badan waxay Saxaafaddu soo werisaa Maxaabiis wakhtigii lagu xukumay uu dhammaaday oo wali Jeelasha kusii jira, kuwa Maxakamadihii dambi ku waayeen oo wali iska sii xidhan, mararka qaarkood qaar kuba dhex dhintey !


Dhammaan arimahaasi cid lagala xisaabtamaa ma jirto. Waxay ahayd in Haayadaha Dawladeed ee u xilsaaran lagula xisaabtamo.


Dhacdadan ugu dambaysay ee Jeelka Hargeysa waxay u muuqataa in ciddii lahayd Masuuliyada Maxaabiista gadoodka samays ay ku raadgadanayso xadhiga Suxufiyiinta shaqo Maalmeedkoodii ku jirey. Halkii ay ahayd in baadhitaan lagu bilaabo cidda lahayd Masuuliyaddan ayay Xukuumaddii beegsaday Saxaafaddii tabisay dhacdadan. Waa si loogu mashquulo xadhiga Saxaafadda oo looga jeesto cidda dayacday masuuliyadoodii. Sidii caadada ahayd na qaladka loo saaro cid aan lahayn ! Taas macneheedu maaha in aanay Saaxaddu qalad lahayn ma yeelan. Ma jirto Saxaafad si wadar ah qalad u wada gashaa. Duubista dhacdadii Jeelka Hargeysa na waxay ahayd shaqadoodii Maalinlaha ahayd.


Ujeedada Xukuumaddu xadhig wadareedka Suxufiyiinta ka leedahay waa cabsi galin iyo in dambi looga dhigo in aan laga soo warrami karin Jeelasha oo dadka loogu fasiray Xero Ciidan. Adduunyada meelo badan oo ka mid ah Jeelasha waxaaba maamulo shirkado gaar ah.


Muhiimadda Saxaafadda Xorta ahi Somaliland kuma fududa. Xukuumaddu waxay ku timid Far Shacab, halka ay Xorriyada Saxaafadda Jamhuuriyadda Somaliland na ku timid Shan Farood. Saxaafadda Somaliland malaha wakhti cayiman, halka Xukuumadda oo wakhtigeedu kooban yahay uu hadda ba kasii dhammaanayo. Xorriyada Saxaafaddu maaha mid si dhib yar meesha looga saari karo !


Ugu dambayn, hadii Xukuumaddu hayso dambi ay 15 Suxufi Maxkamad ku gayn karto oo aan ahayn inay si toos ah u duubeen Maxaabiis gadooday, dacwadeeda ha gayso Maxkamadaha.  Hadii aanay hayn wax dhaafsan intaas na, Suxufiyiinta xidhan Xorriyaddoodii ha u soo celiso !


Ahmed I Abdi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...