Sheekh Sucuudiya Oo Sheegay In Aanay Waxbka Ku Jabnayn Haddii Ay Muslimiintu Dhigtaan Xaflad Dhalasho

0
Saturday April 16, 2022 - 09:30:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Sucuudiya Oo Sheegay In Aanay Waxbka Ku Jabnayn Haddii Ay Muslimiintu Dhigtaan Xaflad Dhalasho

    "Xadiiska ah in wax kasta oo lagu kordhiyo diinta ay mamnuuc yihiin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xadiiska ah in wax kasta oo lagu kordhiyo diinta ay mamnuuc yihiin"

Wax cilad ah ma leh in qof Muslim ah uu dhigto xaflad uu ugu dabaal degayo dhalashadiisa ama tan xubnaha qoyskiisa, sida uu sheegay wadaad kamid ah culimada magaca leh ee Sacuudi Carabiya, laguna magacaabo Dr Qays bin Maxamed al-Sheekh Mubaarak.



Wadaadka ayaa ku doodaya in xafladaha dhalasha ay la mid yihiin uun kuwa kale ee loogu dabaal dego horumarka, sida sanad guurada, qalin jebinta iyo guusha shaqada iyo kuwa la midka ah.


Muslimiin badan ayaa rumaysan in xafladaha dhalasha ay meel ka dhac ku yihiin diinta Islaamka, isla markaana ay mamnuuc tahay in la samaysto ama laga qeyb galin.


Sheekh Qays oo kamid ahaa golaha sare ee culimada Sacuudiga ayaa sheegay xafladda dhalashada ay hoos galayso dhaqanka iyo caadooyinka oo aysan kamid ahayn arrimaha ay diidan tahay diinta Islaamka, ama lagu xarimay Quraanka iyo Sunnada Nebiga NNKH.


"Xadiiska ah in wax kasta oo lagu kordhiyo diinta ay mamnuuc yihiin waxa uu khuseeyaa arrimaha cibaadada, sida in shanta salaadood lagu siyaadiyo mid lixaad oo waajib ah. Waa cibaadooyinka lagu xusay Quraanka iyo Sunnada ee ma aha dhaqamada aan khuseyn cibaadada," ayuu yiri wadaadka, sida uu ka soo xigtay wargeyska Saudi Gazette.


Culimada diidan xuska maalinta uu qofka dhashay ayaa qiil ka dhigta in xafladaha noocaasa ay yihiin kuwo ka yimid dhaqamada aan Islaamiga ahayn gaar ahaan kuwa galbeedka, isla markaana lagu tilmaami karo wax cusub oo lagu soo kordhiyay diinta.


Inkastoo la isku khilaafsan yahay xafladaha dabaal degga dhalashada, hadda culimada ayaa ka siman inay mamnuuc tahay in laga dhigo ficil diini ah.


Muftiga guud ee Sacuudiga, Cabdulcasis al-Shaykh ayaa sanadkii 2008 shaaciyay in dhigashada xafladaha dhalashada iyo u dabaal degga maalinta hooyada aan loo oggolayn Muslimiinta.


Muftiga ayaa xilligaa u jawaabayay wadaadka Salman al-Cawdah oo ku dooday in aysan wax dhibaato ah lahayn haddii qof Muslim ah uu u dabaal deggo dhalashadiisa ama sanad guurada arooskiisa.


Cawdah ayaa u jawaabayay qof su'aal weydiiyay xilli uu si toos ah u fadhiyay telefishin maxalli ah.

 

BBC

Loading...
Loading...