8- DILALKA QORSHAYSAN.

0
Friday April 15, 2022 - 14:23:53 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 741
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    8- DILALKA QORSHAYSAN.

    Shirqoolkii iyo dilkii madaxwaynaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirqoolkii iyo dilkii madaxwaynaha.


Kollay si uun waad u maqashay xasuuqii "Huutuuga iyo tuutsiga", soo maaha?.
Hagaag, haddii aad maqashay iyo haddii aanad war u haynninba, halkan ayeynu kusoo koobaynaa wuxuu ahaa iyo wixii sababay mid ka mid ah musiibooyinkii ugu xumaa ee soo mara Afrika.
Dilkii madaxwaynaha.
-----------------------------------


Waa 6-dii April 1994-kii. Wafti uu hoggaaminayo madaxwaynaha Ruwaanda Juvenal Habyarimana ayaa kasoo duulay gegida diyaaradaha ee magaalada Daarusalaam, Tansaaniya. Waxa kale oo waftiga ka mid ah
Madaxwaynaha Burundi Cyprien Ntaryamira iyo 9 qof oo kale. Labada madaxwayneba waa qoomiyadda Huutuu-ga.

Xilli fiidnimo ah, goor ay diyaaraddu inyar u jirto madaarka magaalada Kiggaali, ayaa waxa diyaaraddii la la eegtay hubka lidka diyaaradaha. Isla markiiba dhulka ayey gashay oo way burburtay. Waxa ay ku dhacday meel u dhow madaxtooyadii waddanka. 11-kii qof, ee laba ka mid ahi madaxwaynayaasha ahaayeen, qofna kamuu samatabbixin.

Bilowgii daadinta dhiiggii webiyada qulqulay.
---------------------------
Laga bilaabo fiidkaas, Ruwaanda waxa ay gashay wax inbadan maskaxda aadamaha khalkhaliyey, wax inbadan buugaag laga qoray, wax in badan lagu daabacay qalimaan guduudan oo aan waligood ba'ayn.
Muddo 100 cisho ah ayaa waxa lagu dilay tiro ka badan 800,000 oo qof, hadda waa "siddeed boqol oo kun"!.
Dadka la dilay waxa ay giddigood ahaayeen qoomiyadda Tuutsiga. Jaarkii ayaa la amray inuu reer waliba gumaado reeraha u dhow ee kasoo jeeda qabiilka Tuutsiga. Nafaha la gooyey waxa lagu googgooyey faashashka waawayn ee ay Afrika caanka ku tahay, iyo madaafiic aan loo kala aabbo yeelin.
MAXAA LOO DILAY MADAXWAYNAHA? Maxayse ahaayeen Huutuu iyo Tuutsi?

------------------------------.
Dilka madaxwaynuhu wuxuu baasiin kusii shubay dab huursanaa oo hoosta ka holcayey markii horeba.
Tuutsiga oo ahaa dad laga tiro badan yahay, aad ayaa looga necbaa waddankaas. Huutuugu colaad xun ayey u qabeen Tuutsiga. Waxa ay aamminsanaayeen in ay kasoo jeedaan asal ahaan Itoobbiya. Taasi waxa ay keentay, markii la xasuuqay Tuutsiga, in maydadkoodii la raaciyey webiga, iyagoo leh "webigu wuxuu gaynayaa dhulkii ay ka yimaaddeen ee Ethiopia".

Madaxwaynuhu, wuxuu ku maqnaa heshiis nabadeed. Soo noqoshadiisuna waxa ay ahayd inuu heshiis la galo qoomiyadda Tuutsiga iyo jabhaddii RPF "Rwandan Patriotic Front".

Middaas waxa aad uga cadhooday qoomiyadda Huutuuga oo rabay in heshiis iska daaye la xasuuqo oo la cidhibtiro Tuutsiga.

Ninka lagu magacaabo Theoneste Bagasora, waxa uu ahaa xagjir wayn oo ka tirsan dawladda kana mid ah Huutuuga. Waxa uu maammuli jiray madaarka iyo hawlaha duullimaadyada. Waxa uu haystay hubka lidka diyaaradaha. Waxa la ogaaday inuu isagu riday labada gantaal ee lagu burburiyey diyaaraddii uu madaxwaynuhu saarnaa.

Sababtuna waxa ay ahayd inuu ka hortago heshiiska la la galayo Tuutsiga.
Sidaas ayuu ku bilaabmay xasuuqii. Ujeeddada Hutuu-guna waxa ay ahayd inay gabi-ahaanba cidhibtiraan dadka Tuutsiga la idhaahdo.

Waxa jira eedaymo kale oo iyaguna sheegaya inuu shirqoolkaas ka dambeeyey madaxwaynaha hadda paul kigame oo markaas ahaa hoggaamiyaha jabhadda RPF.

W/Q/ Mukhtar Hiimsahiimse


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...