Saxafiyiintii Somaliland oo kaliya ma xidhna, Waxa xidhan xorriyatul qawlkii, Cabdirashiid Saleebaan

0
Friday April 15, 2022 - 14:17:55 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saxafiyiintii Somaliland oo kaliya ma xidhna, Waxa xidhan xorriyatul qawlkii, Cabdirashiid Saleebaan

    Cidda maanta kursiga ku fadhida waxa aan u soo jeedinayaa inay ixtiraaman

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cidda maanta kursiga ku fadhida waxa aan u soo jeedinayaa inay ixtiraaman
May be an image of 2 people, beard, eyeglasses and indoor



Saxafiyiintii Somaliland oo kaliya ma xidhna, Waxa xidhan xorriyatul qawlkii, waxa xidhan dimuqraddiyaddii, waxa xidhan ra’yi dhibashadii, waxa xidhan in qofka muwaadin ahi isaga oo Wariye ah uu mihnaddiisa saxafinimo iyada oo warka aan faaf reeb lagu samayn uu bulshadiisa u soo gudbin karo.

Dhammaanteen aynu dhigno shaqooyinka aynu gacanta ku hayno oo meel uga Soo wada jeedsano sidii xorriyaddooda ay u heli lahayeen saxafiyiinta xidhan.

Waa inagu ceeb inaga oo ah wadan dimuqraddiya waliba aan aqoonsi caalami ah ka helin aduunwaynaha, Hadana aynu dhexdeena car-juuq dheh iyo yaa hadlay yaa iga soo horjeestay aynu iskula dhaqmayno waa inagu ceeb.

Dastuurkeenu wuu fasaxay xorriyadda hadalka waliba si gaara saxaafadda wuxu ugu tilmaamay qodobka 32aad.

Cidda maanta kursiga ku fadhida waxa aan u soo jeedinayaa inay ixtiraaman dastuurka JSL dhawaan madaxawynahu wuxu ka Soo laabtay safarkisii Maraykanka waxa ugu wayn ee dawladda Maraykan iyo shacabkuba ku soo dhaweeyeen Waa in Somaliland tahay meel Ay ka jirto Amni,dimuqraadiyad iyo xoriyatul qawl miyaynu ka maranay aqoonsigii maxaynu umada la hor tagaynaa hadii aynu iscabudhinayno siyasiyiintii iyo saxfiyiintiina aynu jeelasha ku gurayno kii aynu qoonsanaba, waxaan leeyahay wadanka sida halaga daayo saxafiyintana hala Soo daayo shuruud la aan waliba magdhawna hala siiyo
Ilahay ma jecl dulmiga adoomihisana daaba.

Xoghaye kuxigeenka Ganacsiga ee Xisbiga WADDANI Md Cabdirashiid Saleebaan
Loading...
Loading...