Saxafiyiintii Xukuumada Muuse Xidhay Oo Jidhdil Ciidamadu Ugaysteen

0
Friday April 15, 2022 - 10:24:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saxafiyiintii Xukuumada Muuse Xidhay Oo Jidhdil Ciidamadu Ugaysteen

    "Xadhigii u dambeeyey ee Suxufiyiintii la isugu daray Xabsiga iyo jidh dilka ee weli saldhigyada ku xidhan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xadhigii u dambeeyey ee Suxufiyiintii la isugu daray Xabsiga iyo jidh dilka ee weli saldhigyada ku xidhan"

Hargaysa (HWN) Xoghayaha cadaaladda Xisbiga waddani Yoonis Ahmed Yoonis ayaa sheegay in dawlada Muuse Biixi qaaday Jidkii ay dawlado iyo hogaamiyayaal hore ku jabeen.



Waxaanu xoghayuhu intaasi ku daray in xukuumadu saxaafada iskugu dartay xadhig iyo jidhdil taasi oo walaac ku abuuraysa  Bulshada Somaliland.

Xoghayaha oo qoraal uu arinkaasi kaga hadlayo baahiyay ayaa yidhi sidan:-

 

Xukuumadda somaliland  waxa ay qaaday jidkii halista badnaa ee hoggaamiyeyaal iyo Dawladdo hore ku jabeen ee ahaa xadhigga, Jidh dilka, Cago jugleynta,cabsi gelinta iyo ku tumashada xuquuqda Muwaadiniinta fikirkooda cabira iyo Weriyeyaasha gudanaya waajibaadkooda shaqo.

 

Tallaabooyinka ay muddooyinkii u dambeeyey ay qaadaysay Xukuumadda Muuse Biixi, waa mid walaac ku abuuraysa Bulshada Somaliland, Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Dalalka Somaliland ka taageera dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka, kuwaas oo dhammaantood la yaabay ficilada sii kordhaya ee dhaawacaya sumcaddii iyo magacii Jamhuuriyadda Somaliland ku lahayd Fagaarayaasha Caalamka, ee ay ku kasbatay ilaalinta xuquuqda Weriyeyaasha iyo Muwaadiniinta aragtidooda cabiray.

 

Xadhigii u dambeeyey ee Suxufiyiintii la isugu daray Xabsiga iyo jidh dilka ee weli saldhigyada ku xidhan,  dadkii maalmo ka hor kagu xidhay fikiradahoodu iyo weliba tallaabooyin ka sii horreeyey waxa ay  markhaati ka cad u ah in laga baydhay jidkii dimuqraadiyadda iyo xoriyatul qawlka oo la qaaday mid aan la garanayn dhamaadkiisa iyo godka uu ku ridi karo Jamhuuriyadda Somaliland.


Dhaqannada ku cusub tacadiyadan ka dhanka ah Weriyeyaasha, waxa ka mid ah in qofkii oo gacanta ugu jiray Ciidanka in la garaaco oo la jidh dilom dhaawacyo loo geysto, sida Gabadh Suxufiyada ahayd ee Naciimo Cabdi Ahmed , oo Sideed ilkaheeda ka mid ah la dhaqaajiyey iyo Weriyeyaal kale oo iyaga oo nabaro qaba xidhan yihiin. Sida Weriye Axmed Shimaali oo dhaawac loo gaystay

 

Waxa kale oo la yaab ah in Weriyeyaashii la xidhay qaarkood meelo aan la garanayn lagu xidhay oo ay qaadatay in saacado la raadiyo halka lagu hayo, isla markaana ciidankii isku tuur tuureen in aanay garanayn meelaha ay ku xidhan yihiin.

 

Ugu dambeyntii haddii aanay Xukuumaddu jidka ka baydhin, isla markaana aanay joojin xadhigga Suxufiyiinta, jidh dilka lagu hayo iyo weliba dadka aragtidooda cabiraya ee Distuurku u damaanad qaaday waa mid Somaliland u horseedi doonta in ay dhaawacnto sumacaddeedii iyo hannaankii dimuqraadiyaddeed ee ay adduunka ka iibinaysay.


Xoghayaha cadaalaadda Xisbiga waddani Yoonis Ahmed Yoonis

Loading...
Loading...