Xidhibaan Saxafiyiinta Xidhan Usoo Jeediyay Inay Raaligelin Bixiyaan

0
Friday April 15, 2022 - 10:01:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidhibaan Saxafiyiinta Xidhan Usoo Jeediyay Inay Raaligelin Bixiyaan

    "saxafiyiinta khaldamey Ilaahaybaan khaldamine iyaguna raaligalin ka bixiyaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"saxafiyiinta khaldamey Ilaahaybaan khaldamine iyaguna raaligalin ka bixiyaan"

GAAL DIL GARTIISANA SII.

Xorriyadda saxafadda iyo Warbaahinta waxa xaqiijinaya oo aqoonsaday Dastuurk JSL, lamana cabudhin karo, sida ku cad qodobka 32AAD ee Dastuurka JSL faqraddiisa 3AAD oo u dhigan:



" SAXAAFADDA IYO WARBAAHINTA KALE WAXAY KA MID YIHIIN XORRIYAADKA ASAASIGA AH EE RA’YI-DHIIBASHADA, WAXAYNA LEEYIHIIN MADAX[1]BANNAANIDOODA; WAY REEBBAN TAHAY TALLAABO KASTA OO LAGU CABUDHINAYO”.


Sidoo kale Xorriyadda hadalka iyo ra’yi dhiibashada Muwaadin kasta (siyaasi iyo mid aan siyaasi ahaynba) waxa xaqiijinaya oo aqoonsaday Dastuurka JSL sida ku qeexan Dastuurka qodobkiisa 32AAD Faqraddiisa 1AAD oo u dhigan:


"MUWAADIN KASTA WAXA UU XOR U YAHAY IN UU RAYIGIISA KU BANDHIGO QORAAL, HADAL, MUUQAAL, SUUGAAN AMA QAAB KALE OO XEERKA WAAFAQSAN”.


Haddaba su’aashu waxay tahay Xorriyadda Saxaafadda iyo Muwaadinka ee Dastuurku aqoonsaday maleedahay xad ama bardhammaad aan la dhaafi karin? Jawaabtu waa haa; waxay leedahay xad iyo Shardi lama dhaafaan ah kaas oo ah in ayna taaban kana hor iman:


1) Anshaxa guud ee ummadda Somaliland ee Shareecada iyo Xeerarku qeexeen.

2) Xasiloonida dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo karaamadiisa.

3) Xuquuqda Muwaadinka kale ee Shareecada iyo Dastuurkuba dammaana qaadeen. Sida ku cad Dastuurka qodobkiisa 25AAD, Faqraddiisa 4AAD oo u dhigan sidan:


"DHAMMAAN XORRIYAADKA QOFKA WAXA SHARDI AH IN AYNA KA HOR IMAN XEERARKA ANSHAXA GUUD, XASILOONIDA DALKA AMA XUQUUQDA QOFKA KALE”.


Xuquuqda qofka kale waxa tilmaamay Dastuurka qodobkiisa 24AAD, Faqraddiisa 3AAD oo u dhigan: " QOF KASTA WUXUU XAQ U LEEYAHAY IN LA XURMEEYO SHARAFTIISA, SUMCADIISA IYO NOLOSHIISA GAAR AHAANEED”.


Guntii iyo gababadii waxa waajib ku ah dhammaan Masuuliyiinta Qaranka, Muwaadiniinta iyo Saxaafaddaba in ay xaq dhawraan Dastuurka iyo Xeerarka dalka sida ku xusan Dastuurka qodobkiisa 34AAD, Faqraddiisa 2AAD oo u dhigan:


"QOF KASTA WAXA KU WAAJIB AH IN UU XAQ DHAWRO DASTUURKA IYO XEERARKA DALKA”.

Dhanka kale waxa waajib ku ah qofkasta oo Muwaadin ah ama saxafi ah in uu ilaaliyo midnimada ummadda, Jiritaanka Qaranimada, ilaalinta sirta ciidamada kala duwan ee Qaranka JSL, difaaca dalka iyo Diinta sida ku cad Dastuurka qodobkiisa 34AAD Faqraddiisa 1AAD oo u dhigan:


"MUWAADIN KASTA WAXA WAAJIB KU AH ADKAYNTA MIDNIMADA UMMADDA, ILAALINTA JIRITAANKA QARANIMADA IYO DIFAACA DALKA IYO DIINTA SI WAAFAQSAN XEERKA”.


Ugu dambayn dhacdadii shaley ee Jeelka weyn ee Hargeysa iyo muuqaaladii iyo tiraabihii ay ka midka ahaayeen israsaasayn baa ka socota Jeelka gudihiisa, hubbaa lala galey Jeelka iwm waxay ahayd gaf iyo khalad ka dhacay Saxafiyiinta kana baxsan hufnaanta wararka saxaafadda looga baahan yahay iyo buunbuunin warar aan jirin. cidkasta oo difaacday khaladkaasina way marin habawdey.


Laamaha amnigana waxaan ugu baaqayaa in xorriyaddoodii loo soo celiyo saxafiyiinta khaldamey Ilaahaybaan khaldamine iyaguna raaligalin ka bixiyaan, dhanka kale laamaha amniga waxa ku waajib ah in ay xarumaha warbaahinta xaq dhawraan; waayo xarumuhu danbi may galin.


ALLAA MAHAD LEH

XILDHIBAAN SH. AHMED DAYIB ADEN KUCADEEY

Loading...
Loading...