Xisbiga UCID Oo Cambaareeyay Xadhiga Saxafiyiinta Xukuumadu Kula Kacday

0
Thursday April 14, 2022 - 16:47:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga UCID Oo Cambaareeyay Xadhiga Saxafiyiinta Xukuumadu Kula Kacday

    Xadhiga saxaafaddu wuxuu dhaawac wayn ku yahay Dimuqraadiyadda Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xadhiga saxaafaddu wuxuu dhaawac wayn ku yahay Dimuqraadiyadda Somaliland

Hargaysa (HWN) Xisbiga UCID, waxaa uu si adag u cambaareenaya xadhiga lagula kacay suxufiyiintii maanta lagu xidhay Hargaysa.



Sidoo kale, xisbigu wuxuu cambaareenaya weerarka lagu qaaday xarunta telefishanka HCTV iyo jidh dilkii lagu sameeyay suxufiyiinta Telefishankaasi.


Xadhiga saxaafaddu wuxuu dhaawac wayn ku yahay Dimuqraadiyadda Somaliland iyo madax bannaanida warbaahinta, sidoo kalena waxaa uu ka hor imanayaa xorriyàdda uu dastuurka Somaliland u damaanad qaaday Saxaafadda.


Bahda Saxaafaddu waxay kaalin wayn kaga jiraan qaranka Somaliland, iyagoo aan helin xuquuq wixii ay lahaayeenna haddana kama daalaan buuxinta kaalinta ay qaranka kaga jiraan.


Xisbi ahaan, waxaanu Warbaahinta madaxa bannaan ku boorinaynaa inay ka shaqeeyaan, danaha qaranka, wada jirka umadda iyo horumarka dalka.


Xisbiga UCID, wuxuu xukuumadda ugu baaqayaa in sida ugu dhakhso badan xorriyadda ugu soo celiyaan suxufiyiinta maanta sida sharci darada loogu xidhay Hargaysa.

Loading...
Loading...