Dabkii Labaad Oo Markale Ka Kacay Xaafada State House-ka Ee Hargaysa

0
Thursday April 14, 2022 - 16:26:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dabkii Labaad Oo Markale Ka Kacay Xaafada State House-ka Ee Hargaysa

    "Waddooyinka xaafada State house ka ayaa kuwo cidhiidhi ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waddooyinka xaafada State house ka ayaa kuwo cidhiidhi ah"

Warbixin

Xaafada Istaad hawska Todobaadkan dabkii labaad ayaa goor dhawayd ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa damiyeen.



Ciidamada ayaa isla markiiba goobta ku gaadhay Sideed gaadhi oo Dab-demis ah, waxaana ciidamadu dabkaa ku xakameeyeen halkii uu ka bilaabmay. Ma jirin dhaawac iyo dhimasho dabkaasi sababay.


Dabkan ayaa ku koobnaa laba guri oo Jiingada, halka uu dacal ka gaadhay guri Buul ah, waxaana ciidamadu dedaal xoog leh galiyeen inaanu dabku fidin guryaha kale ee isku raranta ah.


Sababta dabkan dhalisay waxaa gacanta ku haya ciidamada Booliska caasimada Hargeysa oo baadhaya kiiskaas, ciidanka Booliska ayaa hawlgalkan kala shaqeeyay ciidamada Dab-demiska dhanka sugida amniga.


Wasiirka Arrimaha gudaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Taliyaha Ciidanka Dam-demiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, Taliyaha ciidamada RRU_ da Axmed Cabdi Tiir, Badhasaab xigeenka gobolka Maroodi-jeex, Gudoomiyaha Komishanka tamarta iyo Agaasimaha guud ee komishanka tamarta iyo saraakiisha kale ee ciidamada ayaa goob joog ahaa.


Waddooyinka xaafada State house ka ayaa kuwo cidhiidhi ah, ayna adagtahay in gaadiidka Ciidanka Dab-demisku si fudud ugu gurman karaan.


Ugu dambayn ciidanka dab-demiska Qaranka Somaliland, wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland inay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni kara khatar dab, gaar ahaan xaafadaha isku raranta ah.

 

[email protected]

Cabdiwahaab Toox

990 Emergency service

Loading...
Loading...