Madaxweyne Ku Xigeen Saylici Oo Qaaday Talaabo Uu Amaankiisa Ku Xoojinayo Iyo Dareenka Shacabka.
Hargeysa(HWN):-Madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa kaabado waa weyn oo culus dhex dhigay waddada hormarta gurigiisa.
Madaxweyne ku xigeen Saylici oo ay gurigiisa hormarto wado hawl bawle u ah caasimada isla markaana amaankeedu sugan yahay ayaa hadana waxa ay bulshada caasimadu mar kaliya ku baraarugtay kaabadaha loogu tala galay sugida amaanka oo madaxweyne ku xigeenku dhex dhigay bakhtamaha waddada si ay baabuurtu u dhimaan xawaaraha ay ku marayaan.
Waddadan oo markii hore ahayd mid furan isla markaana aanu madaxweyne ku xigeenku ku jarin kaabadaha uu hada dhigay ayaa haatan noqotay mid su,aalo layska waydiinayo sababta ku dhalisay masuulka labaad ee ugu sareeya qaranka inuu talaabadanku dhaqaaqo maadaama oo aanay jirin wax cabsi dhinaca amaanka ah oo muuqataa.
![]() |
Madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaan ilaa hada ka hadal sababta keentay inuu kaabado waa weyn oo kuwa amaanka ah ku soo kordhiyo waddadaasi oo ahayd mid furan ka hor intii aanu qaadan go’aanka uu kaabadaha ku dhex dhigay.
Dhinaca kale shacabka ayaa baraha bulshada isku waydiinaya sababta keentay in madaxweyne ku xigeenku kaabado waa weyn ku jaro waddadaasi, iyada oo aanay jirin cabsi dhinaca amaanka oo ah jirtaa.
Talaabadan uu qaaday madaxweyne ku xigeenku ayaa ah mid laga dareemi karo inuu kor ugu qaadayo amaankiisa.
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/somaliland