DOOXATO;

0
Thursday April 14, 2022 - 11:23:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DOOXATO;

    W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

26 March 2022 ayey ahayd maalintii la xalaashaday dhiiga qayb kamid ah madax iyo shacab somaliyeed oo reer baladweyne ah.



Runtii taariikhda soomalida wixii la isku odhan jirey {Jamhuriya dumuqradiga Soomaliya} 40-kii sano ee u dambeeyey wuxu ku jirey gudcur maagan gooya ah. Faktii hore ba madaxdii dalka ayaa xalaashatay dabar goynta Shacabkeeda, Xasuuqii jasiira, Hargiesa, burco, garowe, baydhabo, bakool kuwaas oo markii dambe ku baahay dalka oo noqday waxaan ku cuninba waa la cunaa.

 

Maanta oo la joogo 2022 sidii ayey madaxda Soomaliya ugu hawlan tahay laynta shacabkeeda iyo madaxdeeda ka aragti duwanaada.

 

Marar badan waxa lumay miq-yaaskii saxda ahaa, waxa laga talaabsaday xuduudii Bini-adnimada oo waxa loo dhaadhacay noloshii xayawaanimada, mararka qaarna waxa la hoos maray noloshii Bahaa'imta.

 

Inta la gawracay, inta qarax loola kasay, inta noloshooda sifooyin foolxun loo gooyey, wixii dalka ka dhacay waxa ka daran waxa maanta ka dhacaya.

 

23.March 2022 waxay nolosha Soomaliya uga jirtaa maalin bog madow u ah.

 

Hal xildhibaan oo ka aragti duwanaaday Xukuumada Farmaajo,  oo si aanay ugu soo bixin doorashada ayaa waxa magaalada beledwayne loo geeyey saddex Qarax oo galaaftay 48 qof oo dhimasho.

Waxa kale oo dhacdadaa lagu waxyeeleeyey in ka badan 150 qof oo shacab ah oo aan waxba galabsan, eebe se halkii loogu heshiiyey ee dabinkaa lagu maleegay waa ka warqabay, allow alle.

 

Hore waa tii loo yidhi Suugaanta waxa keena dareen, meerisyo kooban asii macno weyn sidda ayaan taariikhda bogageeda sar-sare baadi-sooc ugu dhigey waxaan idhi;

 

-Ninkii koob Nimco ah gororsaday iyo kaan kimisna eegaynin

-Kursi ninkii soo heliyo ninkii Kore la waydaarshay

- Arbaciin nin  kilkay dadkii oo qarax kusoo laayey

-Kor ku Dhiigle aduunyada kan kadab ka doonaaya

-kol hadaan ninba wixii uu kasbaday, kaafka ugu taalo

-Oo aakhiradu Keyd tahay siduu karamku sheegaayo

-oo aan seegayn kalaho wixii koonka lagu geystay

-Maxaan ugu kadeedmaa aduun kedis ah weeyaane.

 

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...