Somalilaaneey Suus Bayna Soo Galay, Safarkii Muuse Dabadiiye, Suuqeenii Ayaa Gubay,
BISMILAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B]
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHA.
SADKA UGU MACAANE,UMADUHU KU SEEXDAN,
SAMAHA IYO NOLOSHA,SALDHIGODU NABADYO,
SAATIR BAYNA SIIYAYE,SUUMANKA U ADKEEYO,
SIBIQYAY INAGA LUMIN,SAHAL LAGUMA KENINE.
SOCDAALKAGI MUSOW,KA SASEEN CADAWUHU,
SEEXASHADU U DIIDO,SALKA WAXAY U AASEEN,
SUULDAARO IYO SIRIQ,ISA SUDHANTA DABINADA,
SUUQEENII AYAA GUBAY,SIGAY JEELASHEENANA.
SABABTII LA HELIN WELI,SIDAN KUMA FAYOBINE,
SUNEHII INAGA TEGAY,SUN MIYUU INOO DHIGAY,
SANQADHAA BAXAYOO,SOKEEYAA CADAAWE AH,
SARIIRAHA MA BAADHEN,SIRDONKI MA SEEXDEN.
SIDAN MAY AHAN JIRIN,SALUUG MAYLA ARAGTAN,
SUUHDIMA HA XIDHANINA,SOO GALOOTI MA AHE,
SUUSKU WAA DHEXDEENE,SOO SAARA MIINADA,
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!