In Saxafiyiintu Duubaan Dhacdooyinka Xabsiyada Ma Danbibaa? Garyaqaan Ka Jawaabay

0
Thursday April 14, 2022 - 10:39:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In Saxafiyiintu Duubaan Dhacdooyinka Xabsiyada Ma Danbibaa? Garyaqaan Ka Jawaabay

    "Warbaahintu maanta waxay duubtay xero ciidan ma ahayn"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Warbaahintu maanta waxay duubtay xero ciidan ma ahayn"

Hargaysa (HWN) garyaqaan Mubarik Abdi oo ah lataliyaha dhanka sharciga ee golaha wakiilada Somaliland ayaa qoraal uu kaga hadlayo xadhiga suxufiyiinta tirade badan ee shalay Xukuumada Muuse Biixi xidhay ku yidhi ma dambibaa in saxaafadu duubto dhacdooyinka xabsiyada.



Waxaanu qoraalka garyaqaanku uu arimahaasi kaga hadlayo uqornaa sidan:-

In saxafiyiintu duubaan dhacdooyinka xabsiyada ma danbibaa?


Fasiraad Qodobka 10aad Faqradiisa 2aad ee Xeerka saxaafada soomaliland xeer L/R 27/2004.

Saxafad kasta waxa ku waajib ah ilaalinta iyo xafidaada sirta xeryaha ciidamada ee baahintoodu keeni karto in ay cadawgu wiiqaan istaraatiijiyada iyo awooda ciidan ee dalka.


Qodobkan baan si kooban idiinku sharaxaya Ugu horayn qodobkani wuxu tilmaamaya u Hogaansamida xeerka saxaafada iyo adeecidiisa, saxaafadana waxa ku waajib ah buu idhi ilaalinta iyo sirta xeryaha ciidamada , hadaba xeryaha ciidamadu waa maxay? Hada xabsi baa la joogay ee xero ciidan maaha waa meel dad shicib ah lagu hayo shaqada ugu weyn ee ka dhax socotana waa dhaqan toosinta Maxaabista, xeryaha ciidamaduna waa xeryo u gaar ah shaqada ,zaadka iyo saanada ciidanka noocyadooda kala duwan sida Goobaha tabobarada lagu qaato iyo xeryaha ciidanku leeyihiin ee hantidoodu taalo ,Tusaale ahaan Ciidanka asluubtu wuxu leeyahay Xerada Asluubta oo ka soo horjeeda cusbitaalka Guud ee Hargeisa, Halkanina xero ciidan maahe waa xabsi , Ciidanka qaranka iyo Booliskuna xeryahoogu waxay ku yaalan xaafada Pepsi ga ee Hargeisa.


iyo ilaalinta sirta ciidamada ee baahintoodu keeni karto in cadawgu wiiqo awooda ciidan iyo israatijiyadooda  Taas macnaheedu waa inaanay saxaafadu sheegin , Tirada ciidanka , Shaqalahooga , Gadiidkooga , sanaadooda milatari ama Hubkooda iyo wax kasta oo keeni kara shaqo ay hayaan oo sir ah inaan la ogaan cida laga ilaalinayaana shacabka soomaliland maaha ee waa cadawga shisheeya.


Warbaahintu maanta waxay duubtay xero ciidan ma ahayn ee dhacdo cusub oo xabsi dad ku xidhan yihiin bay duubtay ,bal soo hela warbaahin wax ka soo duubtay xerada ciidanka qaranka ama Booliska .

Waxa qoray garyaqaan Mubarik Abdi oo ah lataliyaha dhanka sharciga ee golaha wakiilada Somaliland.

Loading...
Loading...