Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Yaabay Xadhiga Tirada Badan Ee Xukuumada Muuse Shacabka Ku Hayso

0
Thursday April 14, 2022 - 10:24:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Yaabay Xadhiga Tirada Badan Ee Xukuumada Muuse Shacabka Ku Hayso

    Waa maxay cabanaantan iyo dulqaad la'aantani iyo qof walba xidha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa maxay cabanaantan iyo dulqaad la'aantani iyo qof walba xidha.

Hargaysa (HWN) Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay gabadh ka mid ahayd dadkii suuqa Waaheen hantidu kaga gubatay oo xukuumada Muuse Biixi xidhay kadib markii ay sheegtay in qaar kamid ah deeqdii loogu deeqay dadka suuqa Waaheen ciidamadu dib uga iibinayaan dadka.



Aqoonyahan Jamaal ayaa qoraal uu dhacdadaasi kaga hadlayo oo uu baahiyay uqornaa sidan:-


"Gabadha yar ee Tamaandhadda dooxa ku iibinaysa ee cabatay in la caawiyo ayeey ahayde maaha in la xidho Oo iyada dulmi loogu sii daro. Waa maxay cabanaantan iyo dulqaad la'aantani iyo qof walba xidha. Waar Ilaahay ha laga yaabo waa bil Ramadaan Oo dadkuna duruufo adag ayeey ku jiraan uu sicir bara kow kaga siiyey. Gabadhaa yari intay tidhi dad waaweyn ayaa iyaguna yidhi ee yaanu xaalku inaga noqon miskiin baa misko la fuulo leh”.

Loading...
Loading...