Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland Oo Lagu Eedeeyay Dastuur Jabin

0
Thursday April 14, 2022 - 09:51:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1559
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland Oo Lagu Eedeeyay Dastuur Jabin

    "Distoorku waxa uu sameeyey miqiyaaskii ugu badnaa ee fasax uu golluhu gali karo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Distoorku waxa uu sameeyey miqiyaaskii ugu badnaa ee fasax uu golluhu gali karo"

 

Hargaysa (HWN) Garyaqaan Yuusuf Biixi (Talasame) ayaa sheegay in shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland uu jabiyay dastuurka kadib markii uu gudoomiyaha Golaha Wakiiladu uu soo saaray Shalay warqad uu ku sheegay in uu dib udhigay kalfadhigii 3aad ee golaha wakiiladu yeelan lahaa inta lagu jiro bisha rabadaan.

Garyaqaanka ayaa sidaasi ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay:-



Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada JSL ayaa waxa uu soo saaray 13.04.2022 Qoraal Kooban oo aanuu Qodob Sharci u cuskanin waxaanuu Iska Galiyay Gollaha, Fasax Qayru Dastuuriya, Oon Wafaqsnayn Dasturka Qodobkiisa, 46aad, Farqadiisa1aad, iyo Qodobka. 21aad Faradiisa 2aad, Ee Xeer Hoosadka Gollaha Wakiilada JSL


KAL-FADHIYADA IYO  HABAYNTOODA

1. Waxa Goluhu yeelanayaa 3 (Saddex) kal-fadhi oo caadi ah sannadkiiba oo qaadanaya, muddo 28 (siddeed iyo Iabaatan) toddobaad ah.


Labadii kal-fadhi waxaa u dhaxaynaya ugu yaraan 4 (afar) toddobaad, ugu badnaana 8 (siddeed) toddobaad.

Distoorku waxa uu sameeyey miqiyaaskii ugu badnaa ee fasax uu golluhu gali karo, Oo ah Sideed Todobaad oo ay soo dhamaysteen,


ku darsoo marka horwba sandkii kala badh ayay shaqaynayeen kala badhna fasax ayay ahaanyeen oo halkaasIba Sidaynu ku arkaynay xildhibaano badan oo ka hadlaya wakhtibaa qaranka kaga lunsanaa marka horeba, mudada shaqadoodu way koobnayd.


Sideeda Todobaadna Waa Fasaxa ugu badan ee uu gollahu gali karo, sharciguna muu sheegin fasaxyo aan caadi ahayn oo uu golluhu guud ahaantii galikaro, balse golluhu isagoo fasax ku maqan, wuxuu qabsankaraa kal fadhi aan caadi ahayn kaas oo qudhiisa ay shuruudo ku xidhan yihiin, si waafqsan Qodobka.46aad farqadiisa 2aad iyo 3aad Ee Dastuurka Qaranka JSL.


Hadaba waxaan iswaydiinaynaa hadii goobtii sharciga inoo unkaysay ay sidan tahay oo Sharcigii ka aradantahay, maxaad u malaynaysaa sharuucda ay inoo soo saarayaan gollahani?


Sidoo kale  yaa la rabaa inuu ixtiraamo sharciga markuu gollihii sharci dajintu uu ixtiraamiwaayo dastuurka iyo xeerarka ka farcama ee ay iyagu inoo sameeyaan,


Somalidaa Waxay ku maahmaahdaa "Dheeraystaa Wuu Gaabsadaa, Balse Gaabsadaa Ma Dheeraysto"


Su,aalo Sharci !!!.

1. Hadii Shirgudoonka Gollahu uu Dastuurka Jabiyo Yaa Kula Xisaabtamaya?

2. Se Shirgudoonka Talaabo Nooceeya ayuu golluhu ka Qaadikaraa marka ay dastuurka Jabiyaan?

3. Hadii uu dabku dhaxamoodo Maxaa Lagu Diiryaa/ Daweeyaa?


Qoraalka gollaha kasoo baxay ee aan dastuurka iyo xeer hoosadkiisaba aan waafaqsanayni waa qoraal aan loo cuskan wax sharci ah isla markaana aan lahayn awood sharci.

Markastood sharciga aad ixtiraanto, waxaad yeelanaysaa qiimayn iyo qadarin iyo haybad, sharciga dabqaadiisu waa dhismaha qaranka.


Xaqsoore Waa Alle

Garyaqaan. Yuusuf Biixi (Talasame)

Loading...
Loading...