Muxuu Yahay Waxa Aadka Uwayn Ee Ku Soo Dhacaya Dhulka?

0
Thursday April 14, 2022 - 09:44:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Waxa Aadka Uwayn Ee Ku Soo Dhacaya Dhulka?

    "Waxay seynisyahannadu aaminsan yihiin in sheygan uu ku socday khad u gaar ah muddo saddex milyan oo sano ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxay seynisyahannadu aaminsan yihiin in sheygan uu ku socday khad u gaar ah muddo saddex milyan oo sano ah"

Shey xajmigiisu 50 jibaar ka wayn yahay walxaha caadiga ah ee hawada sare kasoo duula ayaa kusoo wajahan dhulka, waxa uuna ku socdaa xawaare dhan 22,000 saacaddiiba.



Qalabka wax lagu eego ee hay'adda arrimaha hawada sare u qaabilsan Mareykanka ee Nasa ayaa lagu xaqiijiyay in sheygan culayskiisu uu dhan yahay 500 oo tirilyan oo tan, ballaciisuna uu la eg yahay 85 meyl (137km) - kaasoo ka wayn dhulka uu ku fadhiyo gobolka Mareykanka ku yaalla ee Rhode Island.


Balse wax walwal ah ma jiro waqti xaadirkan. Masaafaha ugu dhow ee uu sheygan u jirsan karo Qorraxda waa hal bilyan oo mayl, taasina ma dhacayso ilaa laga gaadho sanadka 2031-ka.


Waxaa sheygan markii ugu horraysay la arkay sanadkii 2010-kii, balse hadda ayay Nasa si rasmi ah u xaqiijisay jiritaankiisa.


Sidoo kale waxa uu shegani ka wayn yahay dhammaan waxyaabihii noociisa ahaa ee abid ay horay u arkeen cirbixiyeennada.

"Mar walba waxaan tuhunsanayn in sheygani uu weyn yahay sababtoo ah iftiinkiisa ayaa aad u badnaa isagoo fogaan dheer jiray. Haddase waan xaqiijinnay," ayuu yidhi David Jewitt, oo ah barfasoor seyniska meereyaasha iyo cilmiga cirbixiyeenka ka dhiga jaamacadda California, Los Angeles (UCLA).


Hay'adda Nasa, oo ku qeexday sheygan sida kubadda u samaysan ee ka kooban barafka iyo wasakhda mid "kusoo socda dhulka", waxa ayna ku magacowday "Bernardinelli-Bernstein" kaddib markii ay xogtiisa heleen cirbixiyeennadeeda kala ah Pedro Bernardinelli iyo Gary Bernstein.


Markii ugu horraysay waxay isha ku dhufteen iyagoo ku sugan xarunta cilmi baarista Mareykanka ee Cerro Tololo - oo ku taalla waddanka Chile - muddo ka badan toban sano ka hor. Xilligaas waxa uu masaafe dhan saddex tirilyan oo meyl u jiray Qorraxda.


Nasa ayaa walxaha noocan ah ku tilmaanta baraf qaybo kala go'go'an ah oo "samaysmay markii meereyaasha la abuurayay".


Man-To Hui, oo ka tirsan jaamacadda Seyniska iyo Tiknoolojiyadda ee Macau ayaa sheygan ku tilmaamay "Wax cajiib ah", isagoo intaas ku daray: "Waxaan qiyaasnay in sheygan uu noqon karo mid qurux badan, balse waxaan u baahnayn inaan xog badan u adeegsanno si aan marka hore u xaqiijinno."


Waxay seynisyahannadu aaminsan yihiin in sheygan uu ku socday khad u gaar ah muddo saddex milyan oo sano ah, isagoo markii horena ka fogaa qorraxda.

 

BBC

Loading...
Loading...