Maamulka Muqaal baahiyaha Horyaal oo ka warbixiyay xaruntoodii oo caawa la weeraray

0
Thursday April 14, 2022 - 02:56:44 in News by Abdikadir Guled
  • Visits: 1546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Muqaal baahiyaha Horyaal oo ka warbixiyay xaruntoodii oo caawa la weeraray

    Xafiiska Warbaahiyaha Horyaaal ee magaalada Hargeysa oo caawa la weeraray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska Warbaahiyaha Horyaaal ee magaalada Hargeysa oo caawa la weeraray Hargeysa (HWN) Maamulka Television ka Horyaal Ayaa Sheegay In Ciidamo Hubaysani La Wareegan Xarunta Tvga "Waxa hada gudaha u soo galay xarunta dhexe ee Horyaal24 Tv ee madaxtooyada Somaliland jaarka la ah ciidamo hubaysan oo dhar-cad iyo kuwa dirays xidhan labadaba iskugu jira waxayna handideen laba shaqaale ah oo ku sugnaa xarunta iyaga oo ka il-buuxsaday qaybaha xafiiska indho-indhayn weyna ku sameeyay xarunta kuwaas oo sahan u muuqday Ciidankani waxa ay sheegeen in saldhiga dhexe ee Hargaysa laga soo diray Fiidkii caawa ayay mar yimaadeen xiligaas oo shaqaaluhu joogeen xarunta una diideen in ay gudaha u soo galaan iyaga oo sheeganaya in ay ka socdaan ciidamada danbibaadhista ee CID da. Gudoomiyaha Horyaal24 Tv Sayid Cismaan Mirre waxa uu ku wargelinayaa Taliska ciidanka bilayska Somaliland in ay cadeeyaan hadii ay ciidankaas dhar-cadda ka socdeen hadii kalana ay sugaan amaanka Horyaal tv iyo amaanka shaqaalaha tvga labadaba Wa Bilaahi Tawfiiq
Loading...
Loading...