Ciro Oo Xadhiga Suxufiyiinta Ku Tilmaamay Qafaalasho & Fashil Dul Hoganaya Xukuumada KULMIYE

0
Wednesday April 13, 2022 - 21:18:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1072
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciro Oo Xadhiga Suxufiyiinta Ku Tilmaamay Qafaalasho & Fashil Dul Hoganaya Xukuumada KULMIYE

    Xukumadda KULMIYE waxa aan ugu baaqaya in ay si degdeg ah xorriyadoodiI ugu soo celiso Suxufiyiinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukumadda KULMIYE waxa aan ugu baaqaya in ay si degdeg ah xorriyadoodiI ugu soo celiso Suxufiyiinta

Hargaysa (HWN) Musharax Madaxweynaha Somaliland ee Xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Cirro ayaa xadhiga Saxafiyiin ay maanta xukuumada Somaliland xidhay ku tilmaamay qafaalasho xukuumadu qafaalatay saxafiyiinta.

 

Musharax Ciro ayaa qoraal uu arinkaasi kaga hadlayo oo uu baahiyay uqoray sidan:-

"Waxa aan si adag u cambaareynayaa falalka foosha xun ee lagu xidhxidhay isla markaana lagu qafaashay Suxufiyiin kor u dhaafaya labaataneeyo Suxufi iyo Telefishinka madaxa bannaan ee HCTV oo xaruntiisa dhexe xoog lagu galay, qalab badanna laga burburiyey, arrintani waxa ay muujinaysaa oo ay ka marag kacaysaa fashilka hoggaamineed ee dul-hogganaya Xukumadda talada haysa ee KULMIYE.



Waxaa marag ma doon ah sida ay Xukuumadda KULMIYE mar walba bar-tilmaameed uga dhigteen xadhigga, caga-jugleynta, cabudhinta Suxufiyiinta xurmada leh ee ka howlgala Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay umadda reer Somaliland is weydiineysaa goorma ayey Saxaafaddii Somaliland noqotay mid Dawladdeedii dagaal kula jirto? Saxaafadda Qarankeenna duruufo badan oo adag ayey dalkan iyo dadkiisaba u soo martay, Xukuumad kastana waa in ay ka shaqeysaa tayeynta iyo sare u qaadista aqooneed ee Saxaafadda xorta ah ee JSL.


Xukumadda KULMIYE waxa aan ugu baaqaya in ay si degdeg ah xorriyadoodiI ugu soo celiso Suxufiyiinta sifada sharci darrada ah ku xidhan, mag-dhowna ka bixiso dhammaan qalabkii warbaahineed ee ay burburiyeen isla markaana ka waantoodo fafalkan gurracan ee ka soo horjeeda xorriyatul qowlka iyo madax bannaanida warbaahinta ka howlgasha JSL iyo ku tumashada xuquuqal insaanka.


Dhanka kale, Saxaafadda Jamhuuriyadda Somaliland ee madaxa bannaan waxa aan ugu baaqayaa  in ay u samraan oo aanay ku niyad jebin ficilada anshaxa iyo sharcigaba ka baxsan ee ay Xukumadda KULMIYE ku kacayso, waxa aan leeyahay cidda aad u adeegaysaan waa dalkiinii & dadkiinii , inta uu dhalanayo isbeddelka shacbigu hogaaminayo ee iman doonna 13 November 2022.

Guul Somaliland ."

Loading...
Loading...