Dawlada Itoobiya Oo Shaacisay Tirada Dad Barakacayaal Ah Oo Dalka Ku Soo Laabtay Iyo Xubno Maxkamad Lala Tiigsanayo

0
Thursday May 30, 2019 - 13:56:24 in News by
  • Visits: 1831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Itoobiya Oo Shaacisay Tirada Dad Barakacayaal Ah Oo Dalka Ku Soo Laabtay Iyo Xubno Maxkamad Lala Tiigsanayo

    Dawlada Itoobiya Oo Shaacisay Tirada Dad Barakacayaal Ah Oo Dalka Ku Soo Laabtay Iyo Xubno Maxkamad Lala Tiigsanayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Itoobiya Oo Shaacisay Tirada Dad Barakacayaal Ah Oo Dalka Ku Soo Laabtay Iyo Xubno Maxkamad Lala Tiigsanayo


Addis Ababa(HWN):-wasiirka nabada ee dawlada federaalka ah ee Itoobiya Muferiat Kamilayaa shaaca ka qaaday tirada dad itoobiyaan ah oo ka soo noqday goobihii ay deegaanka ku ahaayeen oo ay ka barakaceen.




Wasiir Muferiat Kamil oo la hadashay warbaahinta gudaha ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dad tiradoodu gaadhayso 1.2 Million ay digu ugu soo noqdeen goobahoodii asalka ahaa ee ay markii hore ka barakaceen.


"dhamaan dadkii ka barakacay deegaanka Benishangul Gumuz way ku soo noqdeen goobahoodii, dedaalkana waxaan haatan iskugu gaynaynaa sidii aanu dib u dejin ugu samayn lahayn.”


Sidoo kale wasiir Muferiat Kamil ayaa ka hadashay qorshaha ay wasaaradeeda u dejisay dadka soo noqonaya " qorshahayaguna waxa uu yahay inaanu dib u dejin u samayno dhamaan dadka barakacay ee ka gudbay xuduuda dalka ilaa dhamaadka bisha June ee sanadkan.”


Sidoo kale ku xigeenka maamulka Oromada Shimeles Abdisa ayaa dhinaceeda sheegtay in maamulku uu maxkamad la tiigsanayo dad gaadhaya 270 qof oo masuul ka ahaa inay barakacaan dadka haatan loo samaynayo dib u dejintu.

Loading...
Loading...