Hanti Dhan $1 Milyan Oo Markale Ka Gubatay Somaliland

0
Wednesday April 13, 2022 - 12:08:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hanti Dhan $1 Milyan Oo Markale Ka Gubatay Somaliland

    "Khasaare ka badan hal milyan (1 million US Dollar) baa dhacay oo hanti uun ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Khasaare ka badan hal milyan (1 million US Dollar) baa dhacay oo hanti uun ah"

Hargaysa (HWN) Xoghayaha Ganacsiga, Dalxiiska iyo Warshadaha Xisbiga Waddani Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa ka hadlay Doon urarnayd ganacsato Somaliland ah oo bada ku gubatay.



Xogahayaha ayaa qoraal uu arinkaasi kaga hadlayo oo uu baahiyay uqoray sidan:-

Waxaan ka xunahay doonta Somaliland laga lahaa ee shalay xiliyaddii afurka ku gubatay badda gacanka cadmeed iyadoo u soo socota marsadda Berbera. Doonta waxaa lahaa Cali Ducaale  waxaanay u rarnayd Ganacsade Rashiid Ibraahim Ciise oo labadduba ka mid ah Ganacsatada Dalka.


 Khasaare ka badan hal milyan (1 million US Dollar) baa dhacay oo hanti uun ah sida uu ku waramay mulkiilaha doontu oo isugu jiray badeecaddii saarnayd iyo doonta lafteedii. Isku day ay ciidamada Yemen ugu soo gurmadeena laguma guulaysan in la badbaadiyo doonta iyo rarkii saarnaa toona.


Xafiiska Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska ee Waddani wuxuu dadka hantidaa lahaa u rejaynayaa in Alle (swt) uu cawil khayr qaba ugu bedelo hantidaa ka baaba'day. Waxaanu Xukuumadda JSL ugu baaqaynayaa inay baadho asbaabta dabkan soo noqnoqday isla markaana ay socodsiiso Xeerarka Caymiska Guud si loo yareeyo khasaaaraha noocan oo kale ah mustaqbalka.


Allaa Mahad leh,

Xamse Cabdiraxmaan Khayre

Xoghayaha Ganacsiga, Dalxiiska iyo Warshadaha

Xisbiga WADDANI

Loading...
Loading...