Golaha Guurtidu Ma Waxa Uu Noqday Golihii Sare Ee Kacaanka Iran ?

0
Wednesday April 13, 2022 - 09:17:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 736
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guurtidu Ma Waxa Uu Noqday Golihii Sare Ee Kacaanka Iran ?

    W/Q: Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Abdi Jama

Golaha Guurtida J. Somaliland Waxa Inoo Yaala In Uu Noqdo Golaha Doorashooyinka Ku Imanaya Ee Dastuurka Dalku Sheegay Iyo In Uu Noqdo Sida Golaha Sare Ee Iran Oo Kale Oo Uu Hadda U Egyahay

 

Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland waxa ugu dambaysay in la doorto 1997 , waxa uu mudo xileedkiisii sharciga ahaa oo ahaa 6 sanadood dhaafay 19 sanadood oo kale.

 

Qaranka iyo dadkiisaba ceeb bay ku tahay in golahaasi u ahaa seeska dawladnimada in uu ka dhaco mudo dhaafka intaasi leegi  oo waxa ay noqotay meel dad iska yeesheen umada jamhuuriyada Somaliland waa ku gef.

 

Golahaasi hal sabab baa cudur daar looga dhigaa mudo-dhaafka ku dhacay oo ah ; 1- In aanu diyaar aheyn xeerkii lagu dooranayey oo aanay sameyn golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland.

 

Golahaasi waxa la sameeyey xiligii halgankii hubeysnaa uu dib u xoreynta qaran lagu jiray dadka waaweyn ee maanta jooga oo uu ka mid yahay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland waxa ay ka mid yihiin dadkii wax ka aasaasay ee xog-ogaalka u ahaa.

 

Markii labaad golahaasi waxa la doortay 1993 kii oo dadka jamhuuriyada Somaliland oo dhan lagu soo dhaweeyey si uu u muuqdo wax wada lahaanshaha umada jamhuuriyada Somaliland.

 

Markii sadexaad oo tiradiisa laga dhigey 82 xubnood waxaa la doortay 1997 waana markii ugu dambaysay ee golahaasi doorasho ku yimaado mudada ka sokeysayna waa 25 sanadood.

 

Golahaasi waxa uu qaranka ugu suntan yahay sida dastuurka dalku dhigayo Nabadgalyada,  iyo ka eegista xeerarka dalka dhaqanka iyo diinta waa masuuliyado culus , sharciyana xaga maamuuska waa golaha dalka ugu sareeya .

 

Haddaba laba mid baa inoo yaalla in golahaasi aynu ka dhigno gole sida IRAN oo kale ah oo Ayutullah Cali Khumeni oo kale hogaamiyo oo ka sareeya xukuumada umaduna u haysato marjaca ugu weyn ee loo noqdo sida uu maanta u soo eeg yahay.

 

Iyo in uu noqdo golaha dastuurka dalku sheegay ee mudo xileedka leh ee doorashooyinka ku imanaya oo uu shaqeeyo waxii ay umadani isla qaadatay oo ah doorashooyin hadii xeerkoogu aanu diyaar aheyna lagu soo doorto qaabkii 1997 loo doortay oo kale .

 

Golaha Guurtida dastuurka dalku waxa uu ku sheegay gole doorasho ku imanaya oo xubnaha golahaasi loo dooranayona ay ku xidhan yihiin shuruudaha xubnaha golaha wakiilada marka laga reebo da'da , waxa kale oo dastuurku sheegay mudo xileedkoogu in uu hal sano dheer yahay ka wakiilada oo uu yahay 6 sanadood.

 

Markaa waxa haboon in doorashada Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland ay dhacdo 31-May-2022 si xeerarka iyo dastuurka dalku isku waafaqaan , sidoo kale golahaasi loogu doorto dad badan oo wax garad iyo waayeel ah oo maanta u baahan in siyaasada kale ka nastaan oo ay noqdaan mudaneyaal gole guurti.

 

Mohamed Abdi Jama

 Dhimbiil Mohamed


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...