Shirkaa Isbedelka Cimilada ( Climate Change) Ujeedadiisuwaa Maxay

0
Wednesday April 13, 2022 - 09:09:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkaa Isbedelka Cimilada ( Climate Change) Ujeedadiisuwaa Maxay

    W/Q: Cali maxam biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali maxam biixi

    Dadku arin wanaagsan ayay xumeyn karaan .

    Arin xunna wey qurxin karaan

 Hadaba waa maxay ujeeda reer galbeedku ka leeyihiin barnaamijka lacagta badan ay ku bixinayaan ee isbedelka cimilada aduunka



    Waa maxay ujeedada dalalka reeŕ galbeedķu ka leeyihiin ?


    Maxayse uga jeedaan isbedelka cimilada iyo xuquuqal insaanka ama xuquuqda shaqaalaha?


    Dalalka reer galbeedku muddo dheer ayay ahaayeen dalal wershedo leh oo caalamka meel kasta wax u dhoofiya oo suuqyada caalamka ku haysta wax soo saarkooda oo aan cidina ku haysan .


    Waxaanay sameysteen ururo caalami ah oo ilaaliya ganagsigooda oo dal kastana ka saxeexay.


    Dalalka dunida sadexaad qaarna qasab Bay kaga saxeexeen , qaarna way ka saxeexeen


    Hadaba sanadihii u danbeeyay dalalkii dunida sadexaad qaarkood ayaa wershedo iyo waxsoosaar yeeshay , sida china-ha iyo India oo kale oo la

 

     tartamaysa ay dalalkii reer galbeedka iyo wax soo saarkoodii , oo weliba ka saaray suuqyadii ay haysteen iyagu . Wax soo saarkoodiina dhaafay .

 

    Dalalkii reer galbeedka waxay la kulmeen dhibaatooyin dhaqaale oo kaga yimi dalalkii dunida sadexaad oo ay wax badan ka soo dhoofsadaan , Halkin ay wax uga dhoofin jireen


    Dalalkii reer galbeedku waxay ku dhaliileen dalalkii dunida sadexaad in ay si sharci daro ah ugu adeegsadaan ganacsiga aduunka oo ay dhaliilo badan u sameeyaan (sida xaalada ka dhex taagan dalka USA iyk dalka china)

    Dhaliilahaa faraha badan ee ay qaar sax yihiin , Laakiin intiisa badani aanay waxba ka jirin ,

 

 

    arimaha xuquuqal insaanka iyo xuquuqda shaqaalaha .

    Dalalka reer galbeedka ee qaniga ah oo arimahan uga jeeda in  wax soo saarka ay soo saaraan dunida sadexaad in ay mushaharka shaqaalaha iyo waxa ay ku kacayaan wax soo saarkoodu uu ku qaali garoobo dunida sadexaad ,Si ay ula tartami karaan qarashka ku baxaaya wax soo shark dalalka dalalka reer galbeedka iyo wax soo saarka dunida sadexaad .


    Dalka china India iyo brazils mushaharka shaqaala aad buu u gar yahay .

    Dawladaha reer galbeedka waxay doonayaan in ay wersheahooda ay bedelaan dalalka dunida sadexaad oo ay iyaga ka iibsadaan  wershedo  cusub .


    Arintaasna dawladaha  dunida sadexaad ma ogola .

    Dawladaha dunida sadexaad waxay leeyihiin , ma bixin karno mushahar weyn , hadii aanu fulino arimaha aad sheegaysaan iyo xuquuqal insaanka arinkaasu waxa ka dhalanaa ( waa In aanu kacno oo wershedaha iska xidhno , )

    Isbedelka cimilada idinka (dalalka reer galbeedka) ayaa wisikheeyay hawada dunida iyo degaanka


    Hadaba yaa ka faa'iida arimahan oo dhan?

    Waxa ka faa'iida tijaarta iyo ganacsatada dunida sadexaad iyo kuwa tijaarta ah ee reer galbeedka oo iyana maal gasheda dunida sadexaad

    (Mushaharka shaqaaLaha oo hooseeye awgeed)


    Hadaba arimahan oo dhan , waxay uga jeedaan in ay la dagaalamaan , wax soo saarka dunida sadexaad oo ay curyaamiyaan wax soo saarkooda iyo dhaqaalahooda .


    Maaha sheekado xuquuqda shaqaalaha  iyo badbaadinta iisbedelka cimilada ku yimi .

    Waa fikrad ay wataan tijaarta iyo maal qabeenada dunida reer galbeedka oo ku saleysan amaga yo wax soo saarkayaga uxidhnaw

    Waa gumeysi dhaqaale oo casriyaysan .

 

 

    [email protected]

    Cali maxam biixi

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...