Yaa Cashuur Bixiye Ah

0
Wednesday April 13, 2022 - 09:05:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Cashuur Bixiye Ah

    W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal

Cashuurta marka la kordhinaayo waxa loo eegaa baahi keentay in cashuurta ka kordhiyo sida dakhliga dadka soo gala oo aad u kordha (Personal income) i.w.m.

 

Maxaa la cashuuraa?

 

sida caadiga cashuur lagama qaado waxyaabaha loo yaqaan daruuriyaadka (necessary things) sida waxyaabaha la cuno ee ka yimaada dalka dibadiisa sida Raashinka la quuto, Shidaalka, daawada, korontada, qalabka caafimaadka, biyaha I.W.M.

 

Iska daa in cashuur laga qaadee dawladuhu way kabaan (Subsidy) waxyaabaha quutul daruuriga ah ee ay noloshu ku tiirsan tahay.

 

Maxaa loo cashuuri waayey quut daruuriga?

 

Waxa loo cashuuri waayey waa waxyaabo haday kor u kacaan iyo haday hoos u dhacaan markasta ay bulshadu u baahan tahay, oo iyaga  la'aantood nololi aanay suurto gal ahayn.

 

Hadii la cashuuro, cashuurtu yey ku dhacaysaa?

 

cashuurtu waxay si toos ah ugu dhacaysaa dadka (consumer's ) ama iibsada u dambeeya, ninka ganacsadaha ahi wuxu ka iibinayaa bulshada agabkii uu soo dhoofsaday,  intii uu ku soo iibsaday + cashuurtii laga qaaday+ khatashaadkii rarka iyo dejinta + faa'idadiisii oo wada socda intaas oo la isku daray ayuu bulshada wax kaga iibiyaa.



Hadaba waxa I weydiin mudan kee cashuur bixiye ah, qofka alaabta sidaa ku gatay iyo ka soo dhoofiyey ee ganacsadaha ah.

 

way cadahay in qofka iibsadaha ahi uu yahay cashuur bixiye (Tax payer).

 

W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...