Shaqaalihii Soo Dhammaystay Barnaamijka Shaqo Qaran Oo 3 Bilood Baafinaya Mushaharkoogii

0
Wednesday April 13, 2022 - 08:45:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 788
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaalihii Soo Dhammaystay Barnaamijka Shaqo Qaran Oo 3 Bilood Baafinaya Mushaharkoogii

    "Dhalinyaradan ayaa waxa ay Cabashooyin iyo Garnaqsi Ula Tageen Hay'adda Shaqaalaha Dawladda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dhalinyaradan ayaa waxa ay Cabashooyin iyo Garnaqsi Ula Tageen Hay'adda Shaqaalaha Dawladda"

Hargaysa (HWN) Dhalinyarada Barnaamijka Shaqo Qaran Dufcadii 2aad ayaa ilaa imika Wax Mushahar ah La siin Tan iyo markii Ay Si Toos ah U Galeen Nidaamka Mushahar Bixinta (payrol System)

 

Dhalinyaradan ayaa Xaq u lahaa in ay Qaataan Mushahar u dhigma Milyan iyo Sagaal Boqol oo kun balse Mushaharkii ay Xaqa u lahaayeen ayaa Galay Ila Meerayso.

 

Dhalinyaradan ayaa waxa ay Cabashooyin iyo Garnaqsi Ula Tageen Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Balse lama Siin Jawaabo ay ku Qancaan.

 

Waxaa Jiray Warqqad ay u qoreen Madaxweynaha Somaliland Taas oo Muujinaysa dareenka Cabashada ah ee ay Qabaan Shaqaalahani .

 

Ilaa imika Shaqaalahani Waxa ay Baafinayaan Mushaharkoodii ay Xaqa u lahaayeen Codsiyada iyo Baaqyada ay Dirayaan ayaa Waxaa Dhagaha ka furaystay Masuuliyiintii arintani Ay Khusaysay.

 

Waxaana  intaasi dheer Handadaad iyo Cago Juglayn Loogu Hanjabay in Talaabo laga Qaadi doono Haddii ay arintani Gaadho Madaxweynaha.


Loading...
Loading...