Dab Qabsaday Xaafada State House-ka ee Magaalada Hargaysa

0
Tuesday April 12, 2022 - 16:18:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab Qabsaday Xaafada State House-ka ee Magaalada Hargaysa

    Sidoo kale waxaa maanta gubatay doon urarnayd ganacsato reer Somaliland ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale waxaa maanta gubatay doon urarnayd ganacsato reer Somaliland ah.

Hargaysa (HWN) Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa maanta duhurkii damiyay dab qabsaday Jiingad ku taala xaafada  State House magaalada Hargeysa.


Ciidamada ayaa isla markiiba goobta ku gaadhay afar gaadhi oo Dab-demis ah, waxaana ciidamadu dabkaa ku xakameeyeen halkii uu ka bilaabmay.



Ma jirin dhaawac iyo dhimasho dabkaasi sababay.  Sidoo kale ciidanka Dab-demiska ayaa mulkiihii gurigaa lahaa ku wareejiyay qaddar lacaga oo guriga gubanayay laga soo saaray.


Sababta dabkan dhalisay waxaa gacanta ku haya ciidamada Booliska caasimada Hargeysa, ciidanka Booliska ayaa hawlgalkan kala shaqeeyay ciidamada Dab-demiska dhanka sugida amniga.


Waddooyinka xaafada State house ka ayaa kuwo cidhiidhi ah, ayna adagtahay in gaadiidka Ciidanka Dab-demisku si fudud ugu gurman karaan.


Ugu dambayn ciidanka dab-demiska Qaranka Somaliland, wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland inay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni kara khatar dab, gaar ahaan xaafadaha isku raranta ah.

Loading...
Loading...