Xukuumadda Oo Shaaciyey Inuu Socdo Baadhitaankii La Xidhiidhay Gubashadii Suuqa Waaheen

0
Tuesday April 12, 2022 - 16:09:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Oo Shaaciyey Inuu Socdo Baadhitaankii La Xidhiidhay Gubashadii Suuqa Waaheen

    "dadka qaar imika waxtar kama hadlaane, wax wax yeelaynaya ayay ka hadlaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"dadka qaar imika waxtar kama hadlaane, wax wax yeelaynaya ayay ka hadlaan"

Hargeysa (HWN)Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ka hadlayay howlgal lagu nadiifinayo suuqii Waaheen ee gubtay, ayaa sheegay in loo baahanyahay in gacmaha laysku qabsado howsha, isagoo sheegay in ay jiraan dad waxyeelaynaya shaqada.

 

Wasiirka ayaa sheegay in marka lagu jiro wakhtiyada ay dhacaan masiibooyinka caynkan oo kale ah, loo baahanyahay in awooda laysku wada geeyo, wuxuuna sheegay in ay jiraan dad waxyeelaynaya habsami u socodka shaqada, oo hadalo aan fiicnayn ku hadlaya.

 

"Qaran marka dhibaato caynkan oo kale ahi ku dhacdo wixiisa ayuu isku wada geeyaa, dadka qaar imika waxtar kama hadlaane, wax wax yeelaynaya ayay ka hadlaan arrintan aynu gacanta ku hayno, ninkii markaa waxyeelaynta ka hadlaya waa yeelkadiisa oo waxkhti uma hayno" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

 

Wasiirka oo u muuqday in uu la hadlayo axsaabta mucaaradka Somaliland, oo iyagu doodo ka keenay cida leh masuuliyada dib u dhiska suuqa Waaheen, ayaa sheegay in loo baahanyahay in layska iloobo kala duwanaanshaha afkaarta oo howsha la wada qabto, isla markaana meel loo wada socdo.

 

Dhanka kalene Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sheegay inuu socdo baadhitaankii sababtii dhalisay gubashada suuqa Waaheen"arrintii dabkan dhalisay arrin dariiqyadda lagaga sheekaynayo maaha arrintaa cida ku shaqada leh iyo hay’addaheena nabad-gelyadda ayaa gacanta ku haya oo ujeedadeeda iyo rasmigeeda ayaa la gaadhaya,waana la waddaa

 

Kaahin ayaa sidookale saxaafada usoojeediyay in anay bulshada usoo gudbin, hadalada xanafta leh, ee aan ku haboonayn wakhtiga lagu jiro.

 

Suuqa Waaheen ee magaalada Hargaysa, ayaa maanta laga bilaabay shaqo dib loogu nadiifinayo, kadib markii uu gabi ahaanba gubtay 1, April, 2022, waxaana gabi ahaanba suuqa meesha ka saaray dab socday muddo ku dhow 30 saacadood.

 

Waaberi


Loading...
Loading...