Gurmadkii Abaaraha Gobolada Bari Oo Gabi Ahaanta Ay Xukuumadu Joojisay

0
Tuesday April 12, 2022 - 11:19:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gurmadkii Abaaraha Gobolada Bari Oo Gabi Ahaanta Ay Xukuumadu Joojisay

    Iyo Shidaalkii Booyadaha Ay Iticmalayeen Oo Cirka Isku Shareeray?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyo Shidaalkii Booyadaha Ay Iticmalayeen Oo Cirka Isku Shareeray?

Ka madaxweyne mustaqbal ahaan waxaan aad uga walaacsanahay dadka ku dhaqan gobolada bari jamhuuriyada somaliland ee abaarta ba’an ay hayso, uguna daran inay helaan biyo.

 

Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne muuse iyadoon markii horeba wax lasheego aysan gaadhsin dadkaa abaarta asiibtay balse dadku ay sii egayeen waxa yare e kazoo gaadha ayaa hada gabi ahaanba xukuumadii goosatay.

 

Waxaa kasii daran oo masiibo kale ku noqotay dadkii jilicsanaa ee abaartu haysay,  qolyaha booyadaha iska leh  ay ku kordhiyeen foosta walba lacag gaadhaysa 3$.

 

Tasoo loo sababaynayo shidaal yari  soo food saartay booyadihii biyaha, halkay ka helaan shidaalna lagu kordhiyay lacagta shidaalka.

 

Ka madaxweyne mustaqbal ahaan waxaa igu maqaala ah shirkadii sida khaldan ula wareegtay haamaha shidalka ee taraafic gura inay muddo laba cisha ah joojisay naaftadii ay iibinaysay.

 

Waxaa kasii daran taa laba markab oo kusoo xidhay dekadena berbera oo siday shidaal, loo sheegay inaysan ku shubi Karin shidalka haamaha dekada berbera.

 

Balse maraakibta mid kamid ah shidalkii uu siday ayuu la qabtay dawlada Somalia, shidalkasoo ahaa mid qiimahiisu macquul yahay.

 

Halka markabka kale uu wali taagan  yahay dekeda berbera lagana sugayo madaxweyne muuse inuu fasaxo shidalka si umadan haraadan ay u helaan booyado biyo,  sixirkooduna jaban yahay.

 

Guntii iyo gunaanadka ka madaxweyne mustaqbal ahaan waxan madaxweyne muuse usoo jeedinayaa inuu balanqadkii ahaa shidaal hala keeno ku adkaysto inta waqtiga abaarta lagu jiro

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...