Nin Dadkiisa Iyo Cadawgiisa Iska Wada Celiyaa Ma Jiro Ee Ha Loogu Dhaarto Muuse

0
Tuesday April 12, 2022 - 11:10:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Dadkiisa Iyo Cadawgiisa Iska Wada Celiyaa Ma Jiro Ee Ha Loogu Dhaarto Muuse

    "Muuse taa ma jecla ee waxa kala wayn in uu Faysal iska celiyo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muuse taa ma jecla ee waxa kala wayn in uu Faysal iska celiyo"

Hargaysa (HWN) Siyaasi  Cali Guray ayaa sheegay in Madaxwayne Muuse Biixi ay iskaga qaldanyihiin waxa ay mucaaradka isku hayaan iyo waxa ayna isku hayn.



Siyaasiga ayaa sidan ku sheegay qoraal uu baahiyay oo uqornaa sidan:-

Madaxwayne Muuse waxa iskaga qaldan waxay mucaaridkiisa isku hayaan iyo waxa aanay isku haynin. Marka aynu dhegaysano sameecadihiisa wuxu inaga dhaadhicinayaa in xataa ka soo kabashada Suuqii Waaheen ee gubtay ay ka soo horjeedaan mucaaridku. Ma Faysal Cali Waraabe ayuu Muuse Biixi ka jecel yahay dibu dhiska suuqa waaheen? Taa ciddii ka dhegaysanaysaa ha ka dhegaysto eh anigu waxan qabaa hadii aanay talada Muuse wax si ka ahayn waa suurogal in muxaafid iyo mucaarid arinkan oo kale loo midoobi karo, loona baahan yahay in loo midoobo oo aan la siyaasadaynin


Muuse taa ma jecla ee waxa kala wayn in uu Faysal iska celiyo. Hadii aanay sidaa ahayn Muuse wuxu karayay in uu isugu yeedho hogaamiyayaasha mucaaridkiisa uu ku yidhaa " walaalayaal dee waa og tihiin masiibada inagu dhacday. Si aynu uga soo kabano waxa loo baahan yahay in aynu u midawno dhamaanteen muxaafid iyo mucaarid. Waxaynu isku haynaa waa siyaasad masiibada inagu dhacdayna way inagu wada dhacday ee yaan la siyaasadayn. Faysal iyo Cirro kii ku diidaaba isaga ayuun baa ku dhib qabi lahaa waxanu lumin taageerada in badan oo shacbiga Hargeysa ah


Hadda hadalkaygan waan ogahay oo Muuse u qaadan maayo nasteex balse waa sida aan anigu u idhi ee maaha sida uu isagu u fahmo. Anigu waxan ka talinayaa uun danta dadkayga iyo dalkayga qof walba ha u qaato sida uu u qaadanayo

Loading...
Loading...