Waddooyinka qaar ee Muqdisho oo xiran & dabaaldeg ka socda SAWIRO

0
Tuesday April 12, 2022 - 09:21:08 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1383
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddooyinka qaar ee Muqdisho oo xiran & dabaaldeg ka socda SAWIRO

    Waddooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah qeybo kamid ah waddooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waddooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah qeybo kamid ah waddooyinka



Waxaa Maanta xiran qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho, iyada oo Ciidamada ay u diidayaan inay isticmaalaan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.


Waddooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah qeybo kamid ah waddooyinka Maka-Almukarama, Wadnaha, 30-ka iyo Warshadaha iyo Guud ahaan waddooyinka gala Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo ay ka socoto munaasabad lagu xusayo 62 guuradii kasoo wareegtay Aas-aaska Ciidanka xoogga dalka.



 

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Madax kale, waxaana siweyn loo adkeeyay Maanta Amniga Guud ee Magaalada Muqdisho.


Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janeraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka, wuxuuna sheegay in Maalintaan ay tahay maalin kuweyn Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.


Sidoo kale Taliye Odawaa ayaa Ciidamada ugu baaqay inay ka dhabeeyaan hadafkooda ah ka hortegida Cadowga isla markaana ay awoodooda isugu geeaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen.









Loading...
Loading...