Xoghayaha QM iyo Madaxweyne Farmaajo oo ka wada-hadlay Doorashooyinku

0
Tuesday April 12, 2022 - 08:01:26 in News by A. Asbaro
  • Visits: 826
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha QM iyo Madaxweyne Farmaajo oo ka wada-hadlay Doorashooyinku

    Xoghayaha QM iyo Madaxweyne Farmaajo oo ka wada-hadlay arrimo ay ku jiraan doorashooyinku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha QM iyo Madaxweyne Farmaajo oo ka wada-hadlay arrimo ay ku jiraan doorashooyinku


NEW-YORK(HWN):-Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay oo khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farjaamo ayaa kala hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihin doorashooyinka, arrimaha amniga, abaaraha iyo hawlgalka cusub ee ATMIS.
Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Farmaajo Iyo Antonio Guterres? – Goobjoog News


Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Qaramada Midoobay, Xoghayaha Guud Antonio Guterres iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka wada-hadlay in la dedejiyo hannaanka doorashada ee Soomaaliya, isaga oo xoghayaha guud uu sheegay inuu rajaynaayo in si degdeg ah loo soo gebagebeeyo geedi-socodka doorashada iyo in arrimaha taagan lagu dhammeeyo wada hadal.

Xoghayaha guud ayaa la wadaagay Madaxweyne Farmaajo, sida uu u garab taagan yahay Soomaaliya gaar ahaan xilligan ay sare u kaceen weerarada ururka al-Shabaab iyo Abaaraha daran ee Soomaaliya ka jira.

Xoghayaha guud ayaa sidoo kale muujiyey sida uu u taageersan yahay hawlgalka cusub ee Midawga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS, isaga oo Soomaaliya u rajeeyey inay awood u yeelato inay si buuxda ula wareegto amnigeeda.

Loading...
Loading...