Dacwad Oogaha Guud Ee Kenya Oo Loo Haysto In Uu U Eexdo Soomaalida Iyo Muslimiinta

0
Monday April 11, 2022 - 17:29:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dacwad Oogaha Guud Ee Kenya Oo Loo Haysto In Uu U Eexdo Soomaalida Iyo Muslimiinta

    "Xaaji oo Khamiistii ka hadlay eedeymahaas ayaa sheegay in uu la socdo eedeymaha loo soo jeediyay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xaaji oo Khamiistii ka hadlay eedeymahaas ayaa sheegay in uu la socdo eedeymaha loo soo jeediyay"

Dacwad oogaha guud ee dalka Kenya, Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji, ayaa beeniyay eedeymaha ah in uu u eexdo Soomaalida iyo Muslimiinta marka uu shaqaale qaadanayo.

Xaaji oo Khamiistii ka hadlay eedeymahaas ayaa sheegay in uu la socdo eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in uu shaqaaleysiiyay dad ay isku diin yihiin. Waxa uu ku adkeystay in dastuurku leeyahay qodobbo wax ku ool ah oo shardi u ah in aan si siman u wada eegno dhammaan qabaa’ilada dalka.

Sida laga soo xigtay dadka dacwadda gudbiyay, waxa ay Xaaji ku eedeynayaan inuu soo xushay dad ay isku diin iyo isir yihiin.

Shakhsi u dhaqdhaaqa arrimaha shaqaalaha ayaa maxkamada geeyay dacwad uu uga soo horjeeda liiska dad loo soo dhajiyay inay imtixaan u maraan shaqooyinka laga soo xayeysiiyay Xafiiska Agaasimaha Xeer Ilaalinta.

Memba Ocharo oo u maraya qareen Danstan Omari, ayaa waxa uu ku eedeeyay Dacwad oogaha guud "nin jeclaysi" waxaana uun maxkamadda ka codsaday in ay ka joojiso sii wadida qorista shaqaalaha cusub ee imtixaanka u socda.

 

BBC


Loading...
Loading...