Qofka Ku Afura Eedaan Khaldan Ama Ismoodsiiyaa Ma Soo Qallaynayaa?

0
Monday April 11, 2022 - 17:18:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qofka Ku Afura Eedaan Khaldan Ama Ismoodsiiyaa Ma Soo Qallaynayaa?

    Qallinka: Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan Rakuub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qallinka: Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan Rakuub

Nebi Maxamed NNKH, wuxu sheegay in aragti lagu soomo, aragtina lagu afuro. Shardiga afurku waa in cadceeddu dhacdo, sida Quraanku caddaynayo, "Cuna oo cabba intay kala caddaanayaan xadhiga cad iyo xadhiga madow.” Dunta cad waxaa looga jeedaa Iftiinka dharaartii, Dunta madawna waxaa looga jeeda mugdiga habeenkii.



Qofku hadduu ismoodsiiyey in cadceeddu dhacday ama u muuqatay daruur qarisay awgeed, deeto cadceeddu soo baxdo isagoo afuray qalle ma lagu leeyahay waa dood madaahibtu isku qabtaan waxana doodda dhalisay fahanka ay ka kala qaateen xadiiska Asma bintu Abu Bakar ay leedahay, "Wakhtigii nebiga ayaanu afurnay maalin daruuro jiraan, afurkayagii ka dib ayey cadceeddii soo baxday.”


Xadiiska Asmi wuxu ku joogaa in ay afureen,, laakiin maalintaa in ay soo qalleeyeen iyo in aanay soo qallayn kuma aanay darin laakiin su’aasha Abu Usaama waydiiyey Hishaam ee labada hadal laga hayo ayaa khilaafka keentay oo ah in Hishaam mar leeyahay way qalleeyeen, marna uu leeyahay ma hubo .


Culimada qabta in la soo celinayo soonka maalinta ismoodsiiska lagu afuray waxa ugu cadcad imaam Shaafici, oo kitaabkiisa Um ku leh, "Qofka afura gabbalka oo aan dhicin, maalintaas soon uma jiro ee waa in uu soo qalleeyaa.”


Ibnu Qudaama ayaa isna la mid ah Shaafici, isaguna wuxu yidhi, "Qofka u maleeya in waagu baryin laakiin uu baryey ama u maleeya in cadceeddu dhacday iyadoon dhicin ee wax cuna waa in uu soo qalleeyaa siday qabaan badi fuqahadu.”


Xarunta Fatwada Masar-Daaru Iftaa waxay fatwootay in la soo celinayo afurka ismoodsiiska cadceeddu in ay dhacday la moodo ama eedaan khaldan lagu afuro.


Waxa jira culimo qaba in aan la soo celinayn soonka ismoodsiiska ah oo leh: qofka ismoodsiiyey in cadceeddii dhacday qalle laguma laha waxaana ka mid ah: Xasan Al:Basri, Ibn Khusaymah, Isxaaq, Musani, Ibnu Taymiya.


Culimadani waxay ku doodayaan in aan xadiiska Asma tilmaamin in la qallaynayo, lamana farin ayey leeyihiin intii afurtay cadceedda oo daruuro qariyeen in ay soo qalleeyaan. Haddii qalle ku waajibyna ma qarsoonteen oo xadiiska ayey ka muuqan lahayd, nebiguna in uu qalle faray xadiisku ma sheegin. Waxaanu la xukun yahay qofka maalin ramadaan wax cunay ama cabbay isagoo aan war isku hayn ee aan qallaha lagu lahayn.


Jumhuurka culimadu waxay qabaan si khilaafka looga dheeraado in la soo qallaynayo. Waxay ku tagsan yihiin hadalka Hishaam in uu mar si toos ah u caddaynayo in ay soo qalleeyeen, marna shaki ka galayo, riwaayadda leh ma hubo waxay ka door bidayaan midda leh way soo qalleyeen oo ay leeyihiin waxay u dhawdahay dhowrsanaanta soonka iyo ka dheeraanta shakiga soonkaagii kaaga dhacaya. Sidoo kale haddii aad eedaan khaldan uu ku afurto  yadna waad  soo qallaynaysaa. Waxana ay tahay iimaamyadu in ay hubsadaan xilliga ay eedamayaan, hadday masuuliyad darro ku eedaamaan iyagaa qiyaamaha la waydiin.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...