Ganacsatadii Suuqa WAAHEEN Oo Walaac Xoogle Ka Qaba Qaabka Cago-Jiidka Ah Ee Hawshu U Socoto
Hargeysa, (HWN)- Tan iyo markii uu Gubtay Bishan horraanteedii suuqa Waaheen ee Faras magaalaha caasimadda Hargeysa, Marka laga yimaad qaadhaan ururinta dib u dhiska suuqa oo si weyn u socota, waxa haddana dhinaca kale ka muuqanaya sida ay Ganacsatadii hantidoodu ku baaba’day iyo dadkii danyarta ahaa ee ka xamaalan jiray suuqaasi walaaca weyn uga qabaan sida aan wali gacan degdeg ahi u soo gaadhin dadkii u badnaa danyarta ee suuqan ka xoogsan jiray.
Dad badan oo suuqan
siyaalo kala duwan ugala soo bixi jiray quutal-daruuriga sida Bahdii
tafaariiqlayda, Kaaryoonayaasha, Bacadlayaasha darajada hoose, khudradlayda,
Hiliblayda iyo guud ahaan intii ka xamaalan jirtay oo ah kuwo nolol
maalmeedkoodu si maalinle ah ugu xidhnaa suuqaasi waxa ay u muuqdaan kuwo aan
haba yaraatee sugi Karin qorshe muddo dheer raaga waxaanay sida ay dadkani ku
doodayaan u baahan yihiin qorshe ku socda xaalad degdeg ah oo u baahan in si
dhakhso ah looga jawaabo iyada oo dadka danyarta ah qaarkood warbaahinta u sheegeen
in goobaha ku meel-gaadhka ah ee ay fadhiisteen oo ah jidadka, dooxa
harerihiisa iyo goobo kale aanay ahayn goobo la isku hallayn karo oo wakhti
kasta ay xaalad adag kala kulmi karaan.
Xisbiga Mucaaridka ah
ee WADDANI ayaa waxa uu walaac weyn ka muujiyey sida aan wali waxba loola soo
gaadhin dadkii dabaqadda hoose ee aadka u liitay ee suuqa Waaheen ka xoogsan
jiray kuwaasi oo u baahnaa gargaar degdeg ah oo ay noloshooda ku badbaadiyaan
waxaanu xisbiga WADDANI xukuumadda ugu baaqay in aanay dadkaasi sugi Karin
qorshe muddo dheer jiitama oo suuqaasi dib loogu soo dhiso ee ay u baahan
yihiin gargaar degdeg ah.
Guddoomiyaha xisbiga
Mucaaridka ah ee WADDANI oo la hadlayay qaar ka mid ah wariyayaasha ka hawl
gala warbaahinta oo xisbigu casuumad u sameeyey waxa uu yidhi: "Wali waxba
looma qaban dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay suuqaasi. Haddii ay tahay meel ay
ku shaqeeyaanna wali may helin, haddii ay tahay wax ay ku shaqeeyaanna wali may
helin. Dhibkaasi waxa uu innagu dhacay habeen kali ah oo ah Gabbal dhac illaa
Cadceed soo bax. Dhibkaa waxa ka sii daran dib u dhiska oo wakhti dheer qaadan
doona. Dhismahaasi baaba’ay muddo dheer oo ah illaa maalintii dalka la soo
galay ayaa la soo waday. Dhammaanteen aan ka qayb qaadano dhismahaa dib loogu
dhisayo suuqaa Hantideennii ku baaba’day”.
Dhinaca kale dadka danyarta ah ee suuqa Waaheen ka baaba’ay qaar ka mid ah oo u badan hooyooyin ayaa walaac weyn waxa ay ka muujiyeen haddii Roobab degdeg ahi soo da’aan dhibaatada uu ku keeni karo maadaama in badan oo danyar ahi wakhtigan alaabo yaryar la fadhiyaan dooxa Hargeysa iyo Hareerihiisa kuwaasi oo aan gabbaad haysan sidoo kalena daadad soo rogman karaa halis ku keeni karaan, waxaanay dalbadeen in si degdeg ah xukuumaddu arrinkooda wax uga qabato maadaama aanay sugu Karin qorshe wakhti dheer qaata oo gurmad ah.
Foore